Sri Lanka Oo Mamnuucday Niqaamka Muslimiintu Wajiga Ku Xidhaan

Colombo, (HCTV) – Dawladda dalka Sri Lanka ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqday inay sharci degdeg ah oo ay soo saartay ay ku mamnuucday marada wajiga lagu xidho ee Niqaamka ama Indho Shareerka loo yaqaano, taas oo baba uga dhigtay qaraxyadii Axadii todobaadkii hore dalkaasi ka dhacay oo ay ku dhinteen dad tiradoodu ka badan tahay 250 qof.

Waxaanay sheegeen masuuliyiinta dalka Sri Lanka in talaabadani ay ciidamada amaanka ka caawin doonto xaqiijinta wajiga qofka iyo in la baacsado hadhaaga kuwa taageera shabakada weerarka dalkooda ku soo qaaday.

“Xayiraadan la saaray Indha-shareerka ama niqaamka waxa lagu hubinayaa amaanka qaranka …. Mana jiri doono qof wajigiisa qarin kara oo ay adkaato in la aqoonsado,” ayuu War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Maithripala Sirisena uu ku yidhi.

Waxaanu Madaxweynuhu intaasi uu raaciyey in sharcigan ka dhanka ah Niqaamku uu dhaqan galayo laga bilaabo maanta oo Isniin ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA