Taliyihii Xabsiga & Ku-xigeenkii Booliska Gar-adag Oo La Dilay

Gar-adag (HCTV) – Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku-xigeenkii Saldhigga Booliiska ee Degmadaasi ayaa la dilay Maanta.

Sidaa waxa Telefiishanka HCTV u xaqiijiyey Suldaan Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Muxumed oo ay ehel yihiin labada Sarkaal ee Geeriyooday.

Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku-xigeenka Saldhigga Booliiska ee Degmadaasi, Gaashaanle Cabdillaahi Axmed Tallan iyo Gaashaanle Nuur Aw Cali Nuux, ayaa la sheegay inay ka baxsadeen Magaalada Gar-adag, iyagoo ka cabsi qabey in loogu aaro Ganacsade ku Geeriyooday xabsiga Ceerigaabo oo Magaciisu ahaa Cali Ciid, kaasi oo Maanta la aasay.

Saraakiishan oo hanjabaado soo gaadhay u fakaday, ayaa la sheegay inay dileen Maleeshiyo is abaabushay oo ay isku beel yihiin Ninka Ganacsadaha ah ee Xabsiga Ceerigaabo ku dhex Geeriyooday, kaasi oo markii hore loo xidhay inuu Gacan u qaaday mid ka mid ah Saraakiisha la sheegay in Maanta la dilay.

La soco Warkan oo faahfaahsan.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka