Wufuud Itoobiyaan Ah Oo Galaa-baxaya Berbera & Maayarka Jigjiga Oo Hargeysa Jooga

Hargeysa (HCTV) – Waxa Magaalada Hargeysa socdaal ku yimid Wefti uu hoggaaminayo Maayarka Magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Dayib Maxamuud Jaamac.

Weftigan oo ay xubno ka yihiin La Taliyeyaasha dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya, ayaa waxa galbeedka Hargeysa ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Maayar ku-xigeenka Hargeysa iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo gelinta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta Somaliland, Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse), oo ugu horrayn soo dhawaynta Masuuliyiintaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu halkan ku soo dhaweynaynaa Maayarka Magaalada Jigjiga iyo La-taliyeyaasha Madaxweynaha Kililka Soomaalida Itoobiya, Maayarka Wajaale, Rugta Ganacsiga, waxan oo dhami waxay qayb ka tahay Shirkii labada Madaxweyne ku galeen Magaalada Wajaale..”

Maayar ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, Cabdicasiis Maxamed Xaashi ayaa isaguna sheegay “Illaa Shalay, doraad waxaanu ku jirnaa soo dhaweynta Wufuudda ka imanaysa Dalka Itoobiya. Shalay waxaan ka mid ahaa Wefti ballaadhan oo tagay Magaalada Berbera, Weftigaas oo uu watay Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda iyo Ganacsato ka socota Dawlad deegaanka Soomaalida, Wasiirro, Maareeyayaal iyo Masuuliyiin Ciidan.”

Maayarka Magaalada Jigjiga, Dayib Maxamuud Jaamac oo isaguna gebogabadii halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Aad baan ugu faraxsanahay inay na soo dhaweeyaan Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha, Maayar ku-xigeenka, waanu idinka guddoonay sidaad noo soo dhawayseen. Dalku waa dalkayaga, dhulku waa dhulkayagii, dhaqan baynu wadaagnaa.”

Maayarku wuxuu sheegay ujeeddada socdaalkooda “Waxaanu u nimid inaanu Hargeysa iyo Berbera booqano, sida Ganacsiga iyo Maamulka Magaalooyinku u socdaan, si aynu waayo-aragnimo u kala qaadano..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka