Samsung Oo Dafirtay Ciladda Gubashada Telefoonka Cusub Ee Galaxy S10 5G

Washington, (HCTV) – Shirkadda Samsung ayaa gaashaanka ku dhufatay cilad cusub oo telefoonkeeda cusub ee noociisu yahay new Galaxy S10 5G ku timid, taas oo Telefoonkaasi ku keenay gubasho, sida uu sheegay nin u dhashay dalka Koonfurta Kuuriya oo isagu baraha bulshada soo dhigay sawirka Telefoonkiisa oo ay soo wajahday cilad gubasho ah.

Saddex sanadood ka hor ayay ahayd markii shirkaddu ay dib ugu yeedhay telefoono tiro badan oo ah nooca Galaxy 7 taas oo dhinaca baytariga ay cilad weyni ay ka soo wajahday, xiligaas oo wakaalada wararka ee AFP uu si hoose ugu sheegay sarkaal ka tirsan shirkadda Galaxy in dhinaca gudaha ay dhibaato ka soo wajahday.

Hase yeeshee dadka isticmaala telefoonada casriga ah ayaa waydiistay in loo cadeeyo dhibaato uu sheegay Mr Lee in telefoonkiisa Galaxy S10 5G ay ku keentay Gubasho uu telefoonkiisu gubtay sabab la’aan.

“Telefoonkaygu waxa uu saarnaa miiska markii uu bilaabay inay soo urto gubasho iyo qiiq si dhakhso ah u galaaftay telefoonka,’ Lee ayaa sidaasi u sheegay AFP, waxaanu intaa ku daray “Waxaan ku tuuray dhulka markii aan taabtay sababtoo ah aadbuu u kululaa oo wuu ku gubayey.” ayuu yidhi Mr Lee.

Waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in aanu waxba ku samayn Telefoonka, dhamaantiina uu gudaha ka gubtay.

Dhawaaqan ka soo yeedhay Mr Lee oo u dhashay dalka Koonfurta Kuuriya ayay diiday shirkadda Samsung ee iyadu soo saarta telefoonkan cusub ee Galaxy S10 5G, telefoonkan ayay shirkadu qiimo gaadhaya $1,200 ay ku galisay suuqa isla markaana uu sheegay inuu siistay ninkan reer Koonfurta Kuuriya ee sheegay in Telefoonkiisu gubtay.

HORN CABLE TV,

Waaxda Online-ka