Madaxweyne Trump Oo Urur Argagixiso U Aqoonsanaya Ikhwaanul Muslimiin

USA (HCTV) – Maamulka Madaxweyne Trump ee Dalka Maraykanka ayaa ka shaqaynaya sidii Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee Dalka Masar loogu aqoonsan lahaa ama loogu Magacaabi lahaa Urur Argagixiso.

Ururka ikhwaanul Muslimiin oo uu ka mid ahaa Madaxweynihii sida Dimuqraadiga ah loo soo doortay ee Dalka Masar, Maxamed Mursi ayaa laba sannadood ka hor waxa Xukuumadda Masar ee Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi waxay ka mabnuucday Dalka Masar, waxayna u aqoonsantay Urur Argagixiso.

Xoghayaha Saxaafadda ee Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa Maanta sheegtay in Tiimka Nabadgalyada ee Maraykanka iyo Hoggaamiyeyaasha Gobolka ee ay danaha Wadaagaan kula taliyeen Madaxweyne Trump inuu Argagixiso u aqoonsado Ururka Ikhaanul Muslimiin, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo HCTV uu warkan ka soo xigtay.

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi oo 9-kii bishan Aprill, 2019-kii aqalka Cad kula kulmay Madaxweyne Trump ayaa u soo jeediyey inuu qaado tallaabadan oo hore Masar u qaadday.

Reuters waxa sheegtay in La Taliyaha Amniga ee Aqalka Cad John Bolton iyo Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanka Mike Pompeo taageereen go’aanka Madaxweyne Trump, balse illaa hadda waxaan taageerin Pentogan-ka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka