Wargeys Yuhuuddu Leedahay oo 33-Su’aalood Waydiiyay Masuul Soomaaliya Eriday.

Tel viv, (HCTV) – Wargeyska The Times of Israel ayaa waraysi dhamaystiran la yeeshay Abdullahi Dool oo ah Diblomaasi dhawaan ay dawladda Somalia ay shaqada ka eriday kadib markii uu si furan u sheegay in xidhiidh lala yeesho Israel. Waraysiga uu la yeeshay Wargeysku ayaa u dhacay sidan:-

 

 

SU’AALAHA UU WARGEYSKU WAYDIIYAY DIBLOMAASI CABDILAAHI DOOL OO HCTV SOO TARJUMAY WAXAY U DHIGAN TAHAY SIDAN :-

 

S: Wixii Ugu Dambeeyey ee aan ogaa waxay ahayd in aad dibada u fakatay?

J:Dibada umaan bixin balse badbaadadayda iyo nabadgalyadayda ayaa khatar gashay markii aan arintaasi ku dhawaaqay.

S: Halkeed ku sugan tahay hadda?

J: Waxaan ku suganahay meel aan sidaa uga fogayn dalkayga.

S: Mudo Intee leeg ayaad halkaasi ku sugnay, Ma leedahay qorshe aad dib ugu noqonayso Somalia?

J: Arintaasi ma cada inay bari noqon karto balse waxaan umalaynayaa in xaalada hada jirta aanay suuragal ahayn in dhakhso aan u noqdo. Hubaashi anagu dalkayga waan jecelahay, si cajiib ahna waan ula dhacsanahay, balse xaqiiqdii waan ka soo tagay gurigaygii.

S: Muxuu yahay qorshahaaga dhow iyo ka mustaqbalku?

J: Waxaan jecelahayn inaan ku biiro Somalia si cad. Balse waxaan u baahanahay ilaalo dheeraad ah inaan dalkayga ku helo sababtoo ah arinta la abuuray. In dalkaygu uu saaxiibo yeesho iyo xidhiidho horumaraya ay tahay mid aniga ii gaar ah. Taasi waa waxa aan u samaynkaro dalkayga aan ku noolahay.

S: Miyaad la yaabtay falcelinta fariimaha aad ka heshay kuwa Israel taageera?

J: Aadbaan ula yaabay, waxay ahayd xaqiiqdii in lama ficaan ah falcelintaasi. In yar uunbaa ogayd fariinta aad gudbiyey, waxaanay ku taxaluqday fikirkayga gaarka ah, waxaanay muujisay falcelin weyn, waxaan garanaaya farqiga u dhexeeya fariimaha rasmiga ah iyo ta muujinaysa fikirka qofka. Sida aad ogtahay waxaynu nahay bani’aadam fikir leh ma nihin mishiin.

S: Miyaanay ahayn in aad ogaato dawladda gaar ahaana Wasaarada Arimaha dibadu in aanay jiclayn Fariinta noocaas ah, oo aad dhibaato kala kulmayso?

J: Waligay maan ogayn. Waxay ka baxaysay bogayga twitter-ka waxaanay muujinaysay ama qeexaysay fikirkayga oo kaliya. Dhinaca kale xataa hadii qof aragtidiisu aanay caan ahayn, macno ma samayso in aanay ahayn kuwo akhriyaba. Mudooyinkii u dambeeyey waxa jira kuwo badan oo aqbalayey fikirada qariibka ah iyo kuwa mamnuuca ahba.

S: Miyaad ogayd in aragtidaadu ay khatar ku galin karo, arintaa miyey ogaayeen?

J: Haa, waan ogaa maxaa yeelay waxay ahaayeen kuwo kalsoonidayda haystay.

S: Miyaad u malaynaysaa in ay kaa raaligalinayaan?

Waxaan rumaysanahay in aan raaligalin u baahanahay.

S: Wax iiga sheeg aragtidaada Israel. Goorta iyo sida aad u garawsatay in aad doorbidayso xidhiidh inaad la yeesho Israel?

J: Waxa aad u dhigaysaa si shakhsiya. Uma arko inay sidaa tahay. Waxaan kaaga soo horjeedaa, in aan anigu rumaysnaa in xidhiidhkaasi Israel lala yeelanayo ay dal ahaan noogu jirto dan qaran. Waxa aanu iska dhago marin lahayn  dhaqdhaqaaqyada gobolka iyo aduunka ka jira. Waxa uu qabto wakiill dibadeed waxa weeyi wax dan u ah dalkiisa, mana jirto qof lagu ciqaabi karo samaynta arintaasi, waa waajibaad ay hiigsigaagu ku siieyey fikrada iyo jihada siyaasada dibadu dalku. Waa xirfad diblomaasiyadeed, waxaan ogahay waxa aan odhanayo iyo waxa aanan odhanayn, waxa xadkaygu uu yahay iyo waxa iga xidhan.

S: Maxaad ugu fikirtay in dalkaagu uu u furo albaabada Israel.

Si fudud, waa dan qaran danta qarankaaga wixii ku jira. Yaanu u adeegnaa oo aanu dalka ku matalnaa, oo wixii aau samaynayno aanu nafahayaga u waydiinaa; miyey tahay danka dalka mise maaha?

S: Maxaad nooga sheegi kartaa xidhiidhka Qarsoodiga ah ee Israel iyo Somalia? Netanyahu waxa uu la kulmay Madaxweynihiinii hore 2016-kii – miyaad ka warqabtay kulankaa?

J: Umaan arkayn mid qarsoodiy  kulankan aad sheegtay balse waxaan ka arkay warbaahinta sida qof waliba uga arkay. Waxay ahayd sheego xiiso leh, tan iyo intii aad ku sheegteen qarsoodi, dhaqankayaga maaha inaanu ka hadalno wixii qarsoon. Xusuuso, waxaanu nahay u adeegayaal bulsho, waxaanu leenahay waajibaad cad.

S: Miyaad u malaynaysaa inay ahayd maskax furnaan uu lahaa Madaxweynihiinii hore.

J: Hadii, aad odhan lahayd, Madaxweynihiinu wxuu booqday Israel waxaanu la kulmay Raysal Wasaaraha Israel, waxaan u malaynayaa inay ahaan lahayd maskax badnaan iyo dhaqaaq diblomaasiyadeed oo lagu talaabsaday.

S: Israel iyo Somalia Miyey si rasmi ah u kulmeen wali?

J: Kama war qabo Masuuliyiin Somali ah oo la kumlay Masuuliyiin Israeli ah balse waxaan ka war qabaa shakhsiyaad Israel tagay.

S: Fahamkayga, Madaxweynahaagu, iyo Raysal Wasaaruhu si guud ugama soo horjeedaan xidhiidh ay la yeeshaan Israel, balse Wasiirka Arimaha dibada Ahmed Isse Awad (Kaas oo la ii sheegay inuu ka tirsan yahay Ikhwaanul Muslimiin) inuu aad uga soo horjeedo Israel. Taasi sax ma tahay?

J: Anigu lama socdo taa. Uma malaynayo inuu dalna ka soo horjeedo. Sidoo kale kama hadli karayo caadi ahaanshaha Wasiirka khaarajiga. Aniga uunbuu iga soo horjeeday. Inaan ka hadlo dhibaatada qof kale waa diciifnimo aan qofna wax u tarayn iyo ujeedana aan kordhinayn.

S: Waa Maxay hadii waxa aad ku qortay Twitter-ka ay ka gilgisheen dawlado ama ururo Carab ahi sida Ikhwaanul Muslimiin?

J: Taasi waxa ay nusqaan tu tahay dalkayaga. Taasi waxa ay noqonaysaa dambi aanu naftayada iyo dalkayaga ka galayno.  Waxay tahay khalad ka dhan ah dalkayaga oo aanaan u ololayn, wadankayagu cidna hayin ama daba-dhilif uma aha. Somalia waa dal xor ah. Waana inuu ahaadaa mid madixiisu kor u taagan yahay oon hoos u foorarin. Hadii aanu ka doonayno aduunku inuu dalkayaga qadariyana waxay ku xidhan tahay sida anagu aanu u macaamilno iyo sida aanu u wajahno arimaha dalkayaga. Sidaasina ay tahay sida aduunku uu nagu xushmaynayo.

S:- Illaa intii Dawladdaadu kuu caydhisay Aragtidaada awgeed, miyey kula wanaagsanaayeen ?

 J:- Marka koowaad, in  la is Ciqaabaa dhaqankayaga kama mid aha, waxaanu isku qiimaynaa waxay yihiin waxaad qabatay, markaa waxaan rumaysnahay in dano ay leeyihiin Dad aan daacad ahayni ay khatar gelinayaan Waddankayaga, ma doonayo in Cid tilmaamo, waayo? Wejigaaga kama goyn kartid Sankaaga. Haddii aanu dhaawacno Magaca Qofka dalkayaga Matalaya, yaa na tixgelin doona ama noo Naxariisan doona ?.

S:- Sidee baad u qiimaynaysaa Dawladda ?

J: Dawladda xilka haysaa waxay ka gudubtay Caqabado badan, waxaan rumaysanahay in guushii ugu wayneyd ahayd u xallisay abaartii Soomaaliya ka dhacday 2017-2018. Waxay u Abaabushay Qaranka si loo yarayn karo masiibada.

S: Mushtamaca noocee ah ayaad u malaynaysaa in Qarankaagu dhisayo ?

J: ka dib, tobannaan sano oo Bulshadu ku soo jirtay iska hor-imaaddo, waxa aanu dhisaynaa Bulsho dimuqraadi ah oo ku dhaqanka Sharcigu sarreeyo iyo meel Dadku noloshooda u madax-bannaan yihiin. Dhinaca kale, waa inaanu fahannaa in dimuqraadiyaddu aanay la micno ahayn Qas, had iyo jeer waxa jira waxyaabo aanay dimuqraadiyaddu ina farayn in la sameeyo ama yeelo, waa waajib la isku dheeli-tiro waxa Qofka gaarka ahi xaq u leeyahay iyo Bulshadu xaq u leedahay.

Illaa intii aanu ka shaqaynayney Dhismaha Dimuqraadiyadda, hoggaamiyeyaasha dalkayagu waxay xilka hayaan 4 sannadood.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka