Booliska Oo Ka Hadlay Sababta Loo Xidhay Guddoomiyaha Dhallinyarada WADDANI (Akhri)

Hargeysa (HCTV) – Taliska Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay Xadhigga Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Maxamed Sidiiq Dhamme.

Guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee Xisbiga WADDANI, oo Ciidammada Boolisku xabsiga u taxaabeen Salaaddii Duhur ee Maanta ka dib, ayaa Afhayeenka Booliska Faysal Xiis Cilmi oo goor dhawayd la hadlay Saxaafadda ayaa xaqiijiyey Xadhiggiisa isla-markaana caddeeyay waxyaabaha lagu haysto.

Afhayeenka Booliska oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Ciidanka Boolisku waxay soo xidheen Eedaysane Maxamed Sidiiq dhamme, kaasi oo lagu eedeeyay inuu ku tiraabay kicin Dadweyne oo nabadgalyada guud khatar ku ah, gaar ahaana Gobolka Sanaag, isagoo ka hor yimid awaamiirtii Dawladda, Dadweynahana ku dhiiri-gelinaya kacoon, kaasi oo faraya inay diidaan awaamiirtii ka soo baxday.”

Afhayeenku wuxuu sheegay in Guddoomiye Dhamme la hor-geynayo Maxkamad “Waxa kale oo lagu eedaynayaa inuu aflagaado u geystay Madaxda sare ee Qaranka, eedaysanahaa waxa xadhiggiisa loo maray sifo sharci ah, waanu xidhan yahay, waxaana sida ugu deg-degga badan loogu gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh..”ayuu yidhi

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka