“Gacan Ku-Dhiiglaha Kii Naga Qariya Ayuun Baanu Ku Xidhaynaa..” Wasiir Kaahin

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in Xukuumaddu Tallaabo adag ka qaadayso Gacan ku dhiigleyaasha dhawaan dilay Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku-xigeenkii Booliiska Degmadaasi.

Wasiirka oo hadal ka jeediyey deegaankii lagu aasay labada Sarkaal ee la dilay oo ay goob-joog ka ahaayeen Madax-dhaqameed ka kala yimid Gobollada Awdal, Sanaag, Togdheer iyo weliba Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha iyo Xanaanada Xoolaaha Somaliland, ayuu Wasiirku ku sheegay inay Tallaabo adag qaadayaan.

Wasiirka Arrimaha guduhu wuxuu sheegay inay Odayaasha ay isku deegaanka yihiin Gacan ku dhiigleyaashu  waajib ku tahay inay gacan ka geystaan soo qabashada Dablayda dilka Saraakiisha geystay, haddiise ay qariyaan iyaga la xidhay “Odayaasha Beeshan (Gar-adag) waa waajib saaran inay hawshan dhinacooda ka qabtaan, Gacan ku dhiiglaha kii naga qariya ayuun baanu ku xidhaynaa..”

Wasiir Kaahin waxa kale oo uu sheegay “Tuuggu ehel malaha, Gacan ku-dhiigluhu ehel malaha. Xukuumadda ayay waajibkeeda tahay inay arrinkaa si adag uga qabato, mana suurto-galayso inaanu si sahlan idiin nidhaahno waxbaanu qabanaynaa oo aanu qaban wayno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in dilka loo geystay Saraakiishu ay dhaawac ku tahay Qaranka

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka