Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Ka Hadlay Fulinta Go’aankii Madaxweynaha

Hargeysa, (HCTV) – Taliyeyaasha ciidamada Qaranka Somaliland ee Milatariga iyo Bileyska ayaa sheegay inay sida ugu dhakhsaha badan ay u fulinayaan xeerkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu soo saaray ee uu xaalada degdega ah uu ku soo rogay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.

Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taan iyo Taliyaha ciidamada Bileyska Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabtay maanta magaalada Hargeysa ayaa sheegay in cid kasta oo ka hor timaada awaamiirtaasi ay talaabo sharci ah ka qaadayaan.

Saddexdaasi degmo ee xaalada degdega ah lagu soo rogayna ay ka shaqaynayaan amarada ciidamada oo kaliya, loona baahan yahay inay u hogaansamaan dhamaan dadka deegaamadaasi ku nool.

Ugu horayna Taliye Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Maadaama oo ciidamada loo xilsaaray nabadgalyada guud labadan ciidan iyo ciidamada kale ee qalabka sida iyo kuwa kale ee amniga iyagoo dhamaantoodba iskaashanaya oo gacan kala helaya inay hawlgal adag si ay nabadgalyada u sugaan ay galaan heegankaa.

Ciidamadu waxay qaban karaan oo ay xayiri karaan dhaqdhaqaaqa gaadiidka cid kasta oo looga shakiyo inay nabadgalyada khatar ku tahay. Waxay qaban karaan cid kasta oo ciidamadaa amniga sugaya is-hortaagta ama ficilo borobogaandhe ah ama kicin ah ku kacda.

Waxa degmo kasta maamulkeeda iyo hawlaheeda gacanta ku haynaya saddexdaa bilood ciidamada qalabka sida ee ciidanka Milatariga iyo ciidanka Bileyska oo hay’adaha kale ee amniga kaashanaya, sadexdaasi degmo ay amarka u qaataan sida loo siiyo.” Ayuu yidhi Taliyaha Ciidamada Bileyska Somaliland.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Milatariga Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo isagu shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu soo saaray xeer saddex degmo oo gobolka Sanaag ah xukun degdeg ah lagu soo rogay mudo saddex bilood ah, runtii dhulkaasi qaarna Sanaag yihiin Qaarna sool yihiin ilaa 2017 dhibaato ayaa ka taagnaa, intaaba ciidamada somaliland haday bileys yihiin iyo haday milatari yihiinba hawl badan ayaa ku baxday oo dhib badan ayaa naga qabatay, dawladduna dhaqaale badan ayay galisay.” Ayuu yidhi Taliyaha Ciidamada Milatariga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani.

HORN CABLE TV,

Waaxda online-ka