Xukuumadda Oo Xidhay 31 Haween Ah Oo Ubadkoodii Lagu Haysto Liibiya

Hargeysa (HCTV) – Ciidammada Booliska ayaa Xabsiga u taxaabay 31 haween ah oo Saaka isugu soo baxay Magaalada Hargeysa, si ay Xukuumadda Somaliland, Hay’adaha gargaarka iyo Beesha Caalamka uga codsadaan in gacan laga siiyo sidii Carruurtooda oo Gacanta ugu jirta Kooxaha wax Tahriibiya ee Waddanka Liibiya looga siidayn lahaa.

Hooyooyinkan ayaa sitay Boodhadh ay ku dalbanayaan in la kaalmeeyo, balse waxa markiiba u yimid Ciidamo ka mid ah Booliska Somaliland, kuwaasi oo ku xidh-xidhay Haweenkaasi Rugta Booliska ee Xaafadda Gol-janno ee Magaalada Hargeysa.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska ee Rugta ay Haweenkani ku xidhan yihiin ayaa Telefiishanka HCTV u sheegay in sababta Haweenkan loo xidhay tahay inay sameeyeen Mudaharaad aanay ogolaanshihiisa ka soo qaadan Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

Hooyooyinka ubadkoodu ku dhibban yihiin Dalka Liibiya, oo intii aan Ciidammada Boolisku xidh-xidhin la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa u sharraxay sababta dibed-baxooda iyo dhibaatada ay doonayaan in laga kaalmeeyo ayaa sheegay in Ubadkoodii ay markii saddexaad Lacag laga qaaday, imikana ay gacmo kale sii geliyaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka