600.000 Kun Oo Reer Yurub Ah Oo Doonaya Inay Ku Sii Noolaadaan UK

UK (HCTV) – Dad badan oo u dhashay dalalka Yurub ee xilligan ku nool Dalka UK, ayaa codsanaya inay ku sii noolaadaan Dalkaasi, marka UK si buuxda uga baxdo Midowga Yurub.

Wargeyska The guardian oo Telefiishanka Horn Cable Tv uu Warkan ka soo xigtay ayaa sheegay in Dad ka badan 600,000 kun Qof oo ah Dadka reer Yurub ee ku nool UK ay codsanayaan inay ku sii noolaadaan, sida laga soo xigtay Dawladda UK.

Muwaadiniinta Yurubiyaanka ah ayaa u baahan in la sameeyo Nidaam ama Sharci ay ku soo joogaan Britain, marka ka baxdo Midowga Yurub, sida ay uu sheegay Kormeere sare oo dhanka Xuduudaha ah.

Kormeere David Bolt ayaa illaa toddoba jeer soo jeediyey in Dawladdu dhisto Nidaam Muwaadiniinta reer Yurub u saamaxaya inay sii joogaan UK, maaddaama oo ay Dawladdu culays kala kulmayso Dalabaadka Dadkaasi.

Dadka u dhashay Dalalka Midowga Yurub ee doonaya inay ku sii noolaadaan UK ayaa waxa ugu badan kuwa ka soo jeeda Dalka Romanian kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 37,742, waxa ku xiga Dadka u dhashay Talyaaniga ah ee codsanaya inay sii joogaan UK, kuwaasi oo tiradoodu tahay 28,575, Dadka u dhashay Poland ee codsiyada gudbistay ayaa tiradoodu tahay 28,214. Waxa kale oo jira 11,583 u dhashay Faransiiska iyo 10,825 u dhashay Jarmalka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka