Culimada Muslimiinta Ethiopia Oo Shir Ku Yeeshay Addis-Ababa Iyo Abiy Axmed Oo Ka Qaybgalay

Addis Ababa, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia  Abiy Axmed ayaa ka qaybgalay shirka culimada Muslimiinta dalka Ethiopia uga furmay magaalada Addis Ababa.

Shirkan ayaa waxa ka soo qaybgalay culimo tiro badan oo ka mid ah culimada Muslimiinta ee dalka Ethiopia iyo Raysal Wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed oo isagu shirkaasi hadal ka jeediyey, kaas oo sheegay in bulsho Muslim ahi ay sees u tahay midnimada dalka Ethiopia, isla markaana loo baahan yahay in gaadh laga wada hayo nabada dalka Ethiopia uu haysto.

Shirkan hogaamiyeyaasha Muslimiinta dalka Ethiopia ay ku yeesheen Addis Ababa ayaa sidoo kale waxa ka qaybgalay Wasiirka Nabada dalka Ethiopia, Muferiat Kamil. Sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed.

Raysal Wasaare Abiy ayaa sidoo kale ka codsaday bulshada Muslimka ah in wax kasta oo khilaaf iyo kala duwanaansho ah lagu dhameeyo wada-hadal, oo la abuuro hanaan lagu sii joogtaynayo nabada dalka Ethiopia.

Dalka Ethiopia ayaa ah dalka labaad ee ugu shacabka badan qaarada Afrika, kaas oo sidoo kale ah dalka ay ku nool yihiin dad aaminsan diimo kala duwan.

Dalka Ethiopia waxa ku taala Kiniisado Orthodox ah oo ah kuwa ugu xoogan qaarada Afrika, halka Dadyawga ku dhaqan dalkaasi Ethiopia ay haystaan ama aaminsan yihiin Islam, Othodox-ka, Pentay, Catholic iyo Jewishka.

Horn Cable Tv,

Waaxda Online-ka