Faahfaahin: Maxaa ka Dhacay Baarlamaanka Somaliland Maanta ?

Hargeysa (HCTV) – Fadhi aan Caadi ahayn oo ay Maanta yeesheen labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa xidhmay iyadoon lagu ansixin Xeer Madaxweynaha u ogolaanaya inuu Xaalad deg-deg ah ku soo rogo Degmooyin ka mid ah Gobolka Sanaag oo amni-darro la soo gudboonaatay.

Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka (Guurtida/Wakiillada) ayaa la isugu yeedhay Khamiista, waxaana Guddoomiyaha Wakiillada oo Shir-guddoominayey ka codsaday inay ansixiyaan Xeerka Madaxweynuhu u soo gudbiyey ee dhigaya in Xaalad deg-deg lagu soo rogo.

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, ayaa markaa ka dib Mudaneyaasha ka codsaday inay waajibkooda ka gutaan, xaqna u leeyihiin HAA iyo MAYA, oo macnaheedu yahay inay diidi karaan ama ogolaan karaan soo jeedinta Madaxweynaha ee Xaaladda Deg-degga ah.

Markaasi ka dib, waxa HAA Gacanta u taagay Afartameeyo Xildhibaan oo ogolaaday Xaaladda deg-degga ah ee lagu soo rogay Gobolka Sanaag, kuwaasi oo ka mid ah 107 Xildhibaan oo Fadhigan aan Caadiga ahayn ka soo xaadiray. Hase-yeeshee Guddoomiye Baashe oo ka qiyaas qaatay Tirada Xildhibaannada ogolaaday oo aad uga yaraa kuwa aan weli Gacanta taagin, ayaa ku dhawaaqay in fadhigu xidhan yahay, waxaanu yidhi “Fadhigu wuu inoo xidhan yahay, waa inoo Sabtida..”

Guddoomiyuhu wuxuu Fadhiga xidhay isagoon odhanin “Inta Diiddan Xaaladda deg-degga ahi Gacanta taaga..”, arrintaasi oo keentay in Xildhibaannadii arrintan ka soo horjeeday ay buuq ka sameeyaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka