Hoggaamiyaha Koox dishay 40 Askarta Hindiya Ah Oo Liiska Argagixisada Lagu Daray

New York (HCTV) – Qaramada Midoobay ayaa Liiska Argagixisada Caalamiga ah ku dartay Sheekh lagu magacaabo Masood Azhar.

Masood Azhar oo ah hoggaamiyaha kooxda  Jaish-e-Muhammad (JeM) oo fadhigeedu yahay gudaha Dalka Pakistan, ayaa Qaramada Midoobay sheegtay inuu xidhiidh la leeyahay Kooxda Caalamiga ah ee Al-qaacida.

Kooxda uu Sheekhani hoggaamiyo ee Magaceeda loo soo gaabiyo JeM, ayaa sheegatay Masuuliyadda weerar 14-kii bishii February ee sannadkan lagu dilay illaa 40 Booliska sida gaarka ah u tababbaran ee Hindiya ka jooga Gobolka Kaashmiir.

Weerarka lagu dilay 40-ka Askari ayaa Xaalad colaadeed oo  hore ka dhex abuuray Hindiya iyo Pakistan.

Masood Azhar ayaa sannadkii 2000 aasaasay kooxda JeM, ka dib markii laga soo daayey Xabsi ku yaalla Dalka Hindiya, xilligaas oo lagu beddeshay 155 oo lagu afduubay diyaarad ay Hindiya lahayd.

Ka sakow Sheekha, Qaramada Midoobay waxay Kooxda JeM liiska Argagixisada ku dartay 2001-dii ama sannad ka dib Aasaaskiisa, sida ay baahisay Al-jazeera oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka