UNESCO Oo Sheegtay In Raysal Wasaaraha Ethiopia Ay Siinayso Abaalmarinta Nabada

Addis Ababa, (HCTV) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee (UNESCO) ayaa abaalmarinta nabada siinaysa Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Axmed sida uu uga shaqeeyo ee uu u raadiyo Nabada.

Abaalmarintan oo la yidhaahdo The Félix Houphouët-Boigny, Abaalmarinta Nabada ayaa a gudoonsiiyey dad ka badan 20 qof tan iyo 1991-kii.

Sida lagu baahiyey website-ka UNESCO oo telefishanka HCTV uu ka soo xigtay.

Waxaana had iyo jeer la siiyaa qofka si firfircoon uga qayb qaata keenista nabada ee xaliya dhibaatooyin ama dagaalo caam ah, ee baadigooba wada-hadal iyo wada-xaajood in la isugu yimaado, isla markaana garawsan dedaalada la isku fahmo ee dulqaadka.

https://en.unesco.org/prizes/felix-houphouet-boigny

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA