Somali News

Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Oo Qaabilay Dhigiisa Dalka UK

By Ahmed Cige

May 02, 2019

Addis Ababa, (HCTV) – Wasiirka Arimaha dibada dalka Ethiopia, Gedu Andargachew, ayaa maanta magaalada Addis Ababa kula kulmay Xoghayaha Arimaha dibada iyo barwaaqo sooranka dalka Ingiriiska, Mr. Jeremy Hunt, oo ah.

Labadan masuul ayaa kulankan ay yeesheen ku balanqaaday in dhidibada loo sii adkeeyo xidhiidhka qotoda dheer ee labada dal ay leeyihiin.

Wasiirka arimaha dibada Ethiopia, Gedu Andargachew ayaa isagu dhiniciisa uga mahadnaqay xidhiidhka cajiibka ah ee koraya iyo xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya UK iyo Ethiopia, waxaanu tilmaamay in dawladda UK ay ku mahadsan tahay taageerada ay Ethiopia siisay xiligii lagu gudo jiray hanaankii horumarinta Siyaasada iyo Dhaqaalaha.

“Ethiopia waxa ay qaaday isbadalo muhiim ah oo ku saabsan dhinacyada Dimuqraadiyaynta, dhismaha Awooda dawladeed, isku xukunka sharciga iyo xoriyada warbaahinta,” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Ethiopia Gedu Andargachew.

Sidoo kale Wasiirka Arimaha dibada dalka Ethiopia waxa sheegay in dalka Ethiopia uu muujiyey doorka uu ku leeyahay Geeska Afrika ee ku wajahan hagaajinta Nabada iyo Xasiloonida, oo u horseedi doonta gobolka amaan iyo barwaaqow.

Xoghayaha Arimaha Dibada UK, Jeremy Hunt, ayaa isaguna dhiniciisa carabka ku dhuftay taageerada dalkiisu uu hayo isbadalada socda ee hogaaminta Ethiopia iyo inay sii wadayaan taageerada ajandayaasha dib u hagaajinta dalka Ethiopia.

Waxaanay labada masuul gabogabadii ay hoosta ka xariiqeen muhiimada ay leedahay in kor loo sii qaado xidhiidhada labada dal ee UK iyo Ethiopia ka dhexeeya ee ay ka midka yihiin Baayacmushtarka, Ganacsiga iyo Maalgashiga.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA