Xoghayaha Arimaha Dibada UK Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirkii Suxufiyiinta Aduunka Ee Addis Ababa

Addis Ababa, (HCTV) – Xoghayaha arrimaha dibada ee dalka UK Mr Jeremy Hunt ayaa ka haday aragtidiisa lagu horumarinayo Madaxbanaanida Warbaahinta Aduunka  kadib markii uu hadal ka jeediyey shir caalami ah oo ay soo qaban qaabisay hay’adda UNESCO iyo Ururka Midawga Afrika oo labadii maamood ee u dambeeyey ka socday magaalada Addis Ababa oo loogu dabaal degayo maalinta Madaxbanaanida Saxaafada Aduunka oo ku beegan maalinta barito ah.

Xoghayaha Arimaha dibada ee dalka UK waxa uu tilmaamay in hogaamiyaha cusub ee dalka Ethiopia uu ogolaaday in boqolaal website, Wargeysyo iyo blogs laga aasaaso dalka Ethiopia, isla markaana Ethiopia ay halbeega warbaahinta madaxabanaan ee caalamka ay hore ugu socoto oo ay joogto heerka 40aad oo dalalka karaya ay ka mid tahay.

Aduunka ayaa 99 suxufi lagu dilay sanadkii u dambeeyey – haka 348 ay xidheen dawladaha halkani.

Halka tusaale ahaan Gambia ay joogto heerka 30aad ee qiimayn.

Xogyaha Arimaha dibada dalka Ingiriiska Mr  Jeremy Hunt ayaa sheegay in “Waxa aynu doonaynaa in aynu maalinta Madaxbanaanida Warbaahinta Aduunka aynu hoosta kaga xariiqno, oo aniguna aan doonayo inaynu bilawno oo aynu u dabaal degno Saxaafada wanaagsan ee Afrika,” ayuu yidhi Jeremy Hunt xoghayaha arimaha dibada iyo barwaaqo sooranka ee dalka Ingiriiska, waxaanu intaasi ku daray “Hadii ay tahay in la dhiirigaliyo baadhisaha Anas Aremeyaw Anas, kaas oo nasiib wanaag aan kula kulmay Ghana.” Ayuu yidhi Xoghayaha Arimaha Dibada UK.

Sidoo kale Xoghayaha Arimaha Dibada ee dalka UK Waxa uu amaanay baadhisihii ay BBC Afrika ka samaysay sanadkii u dambeeyey dalka Cameroon, ee laga sameeyey ciidamadii dilay labada haweenka ah iyo abada caruurta ah  ee xasuuqii 2015-kii oo dawladdu ay si xidhiidh u dafiraysay, balse markii dambe keentay in la soo xidho askarii oo ay wajahaan cadaalada.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA