Duufaanta Fani Oo 3 Qof Ku Dishay India, Malaayiin Kalena Barakicisay

India, (HCTV) – Duufaantii ugu weynayd ayaa ku dhufatay badda Indian Ocean, taas oo dalka India dhulka soo dhigtay, Geedaha iyo waayarada dabka, halka biyihii ka dhashay ay barakiciyeen dad tiro badan.

Duufaantan xoogan ayaa ku dhufatay dhulka xeebaha eek u bariga dalka India, waaxa duufaantani dabaylaha ay wadato ay saacadiiba jarayaan 200km, wararka ilaa iyo hadda la helayo ayaa sheegaya in laba qof a ku dhinteen halka malaayiin kale ay ku barakaceen iyagoo raadinaya meel ay kaga gabadaan.

“Waxaan kuu cadayn karayaa dhimashada labada qof. Mid ka mid ahi waa nin waayeel ah waxaanu meel ka mid ah oo uu gabaad u raadsaday uu ugu geeriyooday wadno xanuun,” sidaasi waxa u sheegay wakaalada wararka ee AFP sarkaal ka tirsan bileyska, maanta oo jimce ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA