Imaaraadka Carabta Oo Amaro Ka Soo Saaray Gaadiidka Waaweyn Bisha Ramadaan

Abu Dhabi, (HCTV) – Ciidamada Bileyska ee Abu Dhabi ayaa ku dhawaaqay in gaadiidka waaweyn ee xamuulka iyo basaska qaada in ka badan 50 rakaab ah laga mamnuucay wadooyinka Abu Dhabi saacadaha hore ee subaxdii 8am ilaa 10am iyo 2pm ilaa 4pm inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Amarkan Bileyska ka soo baxay ayaa wadayaasha gaadiidka waaweyn faraya inay u hogaansamaan jadwalka loo sameeyey, waxaanay loogu baaqay inay qayb ka qaataan amaanka jidadka Imaaraadka inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Sidoo kale talaabadan ayaa looga gol leeyahay in aanay jidadka ku cidhiidhin gaadiidkaasi waaweyni saacadaha hore ee ay shaqooyinka u jarmaadayaan dadka sooman.