“Xaaladda Deg-degga Ahi Waxay Somaliland Ku Celinaysaa 1988-kii..” Xil. Dirir

Hargeysa (HCTV) – Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay Xaaladda deg-degga ah ee lagu Gobolka Sanaag, ka dib markii lagu dilay laba Sarkaal oo ka mid ahaa Ciidamamda Asluubta iyo Booliska.

Xildhibaan Axmed Dirir oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa inqilaab ku sheegay Xaaladda deg-degga ah ee lagu rogay degmooyinka Gar-adag, Ceel Af-weyn iyo Ceerigaabo, waxaanu sheegay in aanu inqilaab u baahnayn in Goleyaasha laga ansixiyo.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Saraakiisha Ciidanka ee la bartilmaameedsanayo maaha wax ugub ah ee hore ayay u dhacday, tan waxa ka horreeyay Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil Marxuum Casayr, Dawladdu way dedaashay way soo qabatay Nimankii dilka geystay, Maxkamaddaa la geeyay waana la xukumay, nasiib-darrose illaa Maanta wax fulin ah lama samaynin oo go’aankii Maxkamadda lama raacin, haddii taa la raaci lahaa (la fulin lahaa) kumay dhiiradiin Maanta kuwa dilka geystay oo mabay hawaysteen inay Ciidan dambe soo hadal-qaadaan, laakiin taasaa keentay oo dhiirigelisay in la laayo saraakiisha.”

Mudane Dirir waxa kale oo uu sheegay “Somaliland kama jirto xaalad nabadgalyo-darro, laakiin waxa ka jirta fulin la’aan, haddii waxa Maxkamaduhu jideeyeen la fulin waayo, nabadgalyada ayaa xumaanaysa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xaaladda deg-degga ahi nabadgalyada inay xumayso mooyaane waxba ka tari mayso, waxay innagu celinaysaa halkii Somaliland maraysay 1988-kii. Inay Ciidamadu xukunka Gobolka la wareegaan waa inqilaab, inqilaabna Ansixin uma baahna, markaa in Goleyaasha la keeno ma ahayn..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka