Xiisad Cusub: Diyaaradaha Isreal Oo Dilay 4 Qof Oo Reer Falastiin Ah Maanta

Gaza (HCTV) – Diyaaradaha Dagaalka ee Dawladda Isreal ayaa Sabtida Maanta  waxay weerarro ka geysteen Waqooyiga Magaalada Qasa, ka dib markii ay soo cusboonaadeen Xiisadaha labada dhinac.

Diyaaradaha dagaalka Isreal ee weerarka qaaday ayaa tobanaan gantaal la beegsaday meelo ka mid ah Waqooyiga Qaza, ka ka dib markii Iska hor-imaaddo ka dhex bilaabmeen Ciidammada Isreal iyo Dagaalyahannada reer Falastine.

Weerarkan ayaa waxa ku dhintay Afar Qof oo Dadka reer Falastiin ka mid ah, Dadka Weerarkaa ku dhintayna waxa ka mid ah Imad Nseir oo da’diisu tahay 22 jir, kaasi oo diyaaraduhu u dileen deegaanka Beit Hanoun.

Weerarkan khasaaraha geystay ee diyaaraduhu ku qaadeen dhanka Falastiin, ayaa ka dambeeyay ka dib markii Dagaalyahannada Reer Falastiin ay dhowr Gantaal ku rideen Koonfurta Isreal, sida ay baahisay Al-jazeera oo Telefiishanka HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Laakiin, Harry Fawcett oo Al Jazeera uga soo warranta Jerusalem, ayaa ku soo warrantay in Mitidiinta Falastiin ay Gantaallada ku soo tuureen Koonfurta Isreal, ka markii wakhti sii horraysey oo Sabtidan ah ay diyaarad kuwa aan Cidna wadin ahi weerar geysatay, taasi oo dhaawacday Saddex Qof oo reer Falastiin ah.

Gantaallada Lagu riday Isreal

Ciidammada Isreal waxay sheegeen in Isreal lagu soo riday illaa 90 Gantaal, laakiin waxay sheegeen inay ka hor-tageen oo ay ku burburiyeen Gantaallada difaaca. 

Ciidanku ma sheegin wax khasaare ah oo gantaalladaasi ay geysteen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka