Dubai Oo Qaaday Olole Ka Dhan Ah Dawarsiga, Soona Qabatay Nin Bishii Ka Sameeya Dh100,000

Dubai, (HCTV) – Dawarsade ka soo jeeda Asia oo Fiisaha booqashada ku yimid Dubai ayaa la qabtay kadibna waxa la ogaaday in bil kasta oo Dawarsiga ka sameeyo dhaqaale gaadhaya Dh100,000, oo u dhiganta $27,600 dollar, waxaana lagu xidhay meesha la yidhaa Al Quoz oo ka tirsan Dubai. Arintan ayaa timid markii ay dawladdu bilawday hawlgal ka dhan ah Dawarsiga oo ciidamada bileysku ay qaadeen.

“Dhamaan dawarsadayaashu waxa ay ku yimaadeen Fiisaha booqashada, qaar ka mid ahna waxa keenay dalka shirkaddo Dalxiis, kuwaas oo ay ahayd inay dadka hubiyaan ka hor inta aanay dalka keenin,” sidaasi waxa yidhi Abdel Hameed Abdulla Al Hashimi, oo ah taliyaha xarun bileys oo ku taala Dubai.

Waxaanu intaasi ku daray hadii dawarsadaha ay qabtaan ay keentay shirkadd dalxiis inay ay ku ganaaxi doonaan shirkadda lacag gaadhaysa Dh2,000 iyo hadii ay talaabadaasi mar dambe ay ku kacdana inay saari doonaan xayiraad lagu daro Liiska Madow.

Mar uu ka hadlayey Taliye Al Hashimi ololahan cusub ee ay bilaabeen ee ka dhanka ah Dawarsadayaasha ay uga goleeyihiin in la yareeyo bishan Ramadaan in dadkani ay wax xadaan, isla markaana ay talaabo ka qaadi donaan dadka habdhaqanka caynkaas ah caadaysta.

Sidoo kale qiimayn ay soo saareen bileysku ayaa lagu sheegay in la yareeyey sanadadkii u dambeeyey dadka dalkaasi ka dawarsada 243 dawarsade la diiwaangaliyey 2018, oo ay ku jiraan 136 rag ah iyo 107 haween ah. Halka 2017, ay ahayd 653 Dawarsade tirada la soo xidhay, sidoo kale 2016-kii ayaa la soo qabtay 1,021 dawarsade, halka 2015-kii ay dawarsadayaashu gaadhayeen 1,405 oo la qabtay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA