Wasiirka Difaaca Oo Booqday Cisbitaal Ciidammada Looga Dhisayo Hargeysa

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo uu weheliyo abaanduulaha koowaad ee ciidanka Qaranka Sareeyo guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale (Af-guduud), ayaa kormeer ku tagay cisbitaalka ciidanka qaranka ee xerada Birjeex ee magaalada Hargeysa kaasi oo ay booqdeen bukaanada ku jira cisbitaalkaasi iyo waliba dhismaha cisbitaalka cusub ee loo dhisayo ciidanka Qaranka JSL kaasi oo meel wanaagsan maraya, sida lagu sheegay War Qoraal ah oo HCTV ka soo gaadhay Wasaaradda Difaaca Maanta.

Agaasimaha cisbitaalka ciidanka Qaranka, Gaashaanle Maxamed Jaamac Dubbe oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xaaladda guud ee cisbitaalku uu aad u fiican yahay waxaanu warbixin ka siiyey tirada ku sugan cisbitaalka iyo waliba xaaladooda caafimaad kaasi oo sheegay in cisbitaalku uu dadaal ugu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada kala duwan ee ay u qabtaan ciidamada.

Abaanduulaha koowaad ee ciidanka Milletariga Somaliland, Sareeyo guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale (Af-guduud),  ayaa isaguna sheegay in dhismaha cusub ee cisbitaalka ciidanka qaranku uu wax weyn ka tari doono xaaladda caafimaad ee ciidanka iyo waliba daryeelka loo sameeyo ciidamada qaranka waxaanu sheegay in dhismaha cisbitaalkani uu noqon doono mid daboola baahiyaha dhanka caafimaadka ee ciidamada.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga JSL Cabdiqani Maxamud Caateeye (Fariid), kaasi oo sheegay in ka wasaarad ahaan ka go’an tahay sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelka iyo ka war haynta ciidanka Qaranka ee hadh iyo habeen u taagan sidii ay u difaaci lahayeen Somaliland.

Waxa kale oo uu sheegay in Cisbitaalka cusub ee dhismihiisu socdo ay qayb ka tahay xoojinta iyo horumarinta uu Madaxweyne Biixi la garab taagan yahay ciidamada kala duwan ee dalka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka