“Xirsi Oo Markii Uu Wasiirka Ahaa Gabadhi U Xidhnayd 7 Bilood, Ayaa Xadhig Ka Hadlaya..” Wasiirka Jidadka

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa ka hadlay eedaymo ay Xukuumadda u jeediyeen Siyaasiyiin ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Wasiir Abokor oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa Maanta ayaa ugu horrayn ka jawaabay eedaymo uu Ciidammada Amniga u jeediyey Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil yare) oo Wasiirka Arrimaha gudaha ka noqday Xukuumadda Daahir Rayaale Kaahin “Ismaaciil Yare oo shalay sheegnayey inuu ahaa Wasiirkii ugu muddada dheeraa Somaliland, Boolisku way ogyihiine Ismaaciil wuxuu ahaa Wasiirkii ugu foosha xumaa ee Xilka Wasaaradda Arrimaha gudaha laga qaado. Ismaaciil Wuxuu ahaa Wasiirkii Ciidammada SPU ka cunay lacagtii habeen dhaxa ee la siiyey ay ku mudaharaadeen, ka bacdina xilka lagaga qaaday.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka hal-celiyey Eedaymo uu hoggaamiyaha XIsbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan u jeediyey Xukuumadda, ka dib markii la xidhay Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee Xisbiga WADDANI “Xirsi Cali Xaaji Xasan markuu ahaa Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi baa soo weerarray Carruurtayda iyo Gurigayga, talada Gurigayga lagu soo weerarray isagaa bixiyey, iyadoo si nabad-galyo ah la ii qaban kari lahaa. Wakhtigaa Aniga 12 Xabo oo Rasaas ah ayaa laga riday, laakiin xilligii Xirsi in ka badan 700 Rasaas ah ayaa Gurigayga lagu riday, amarkana isagaa bixiyey, Maantana wuxuu haleeli kari waayay inuu Hargeysa Carruurtiisa ku hayo, Laakiin Anigu Nina ma daba socdo, Xirsi wuxuu ahaa Ninkii Inanta Nadiira Maxamed ay 7 Bilood u xidhnayd, iyadoon la marin Maxkamad, haddana Maanta ayuu doonayaa inuu yidhaahdo Ciidan baa wax xidhay..”ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey eedaymo oo u jeediyey Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka