Ciyaaraha Heerka Labaad HCTV Ee Garoonka Xawaadle Oo Maraya Wareegii 2aad

Hargeysa, (HCTV) – Tartanka kubadda cagta ee bisha barakaysan ee Ramadaan ee HCTV ayaa ka socda garoonka Xawaadle ee degmada 26-ka June, kaas oo ay ka qaybgalayaan kooxaha heerka labaad ee caasimada Hargeysa.

Tartankan ayaa maraya wareegii labaad iyadoo maalintii shalayna ay is-wajaheen kooxaha Saab Group iyo Nuuradiin, iyadoo ciyaartaasi ay ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxa ciyaartaasi guul muhiim ah gaadhay kooxdii ku ciyaaraysay magaca Nuuradiin, waxaanay natiijo Afar iyo hal ah ku muquunisay ciyaartoygii ku ciyaaraysay magaca Saab Group.

Sidoo kale waxa tartankaasi barbar socday kulan ciyaareedkii xigay kulankaasi oo ahaa kooxaha Daar Design iyo kooxda Duufaan, waxaana ciyaarta la isla marayey qaybtii hore hal gool iyo hal gool oo lagu kala nastay ayaa markii la isku soo noqday ayaa Kooxda Daar Design ay gaadhay guul muhiim ah oo laba iyo hal ay ku badisay.

Waxaana intii ciyaartu socday halkaasi Abaal marin lagu gudoonsiiyey Ciyaaryahanka Khadiir tartanka todobaadkii hore ugu fiicnaa, kaas oo mutaystay abaalmarinta HCTV Award ee bisha barakaysan ee Ramadaan, taas oo uu gudoonsiiyey gudoomiyaha guddida ciyaaraha Heerka labaad ee Garoonka Xawaadle Cumar Dhalac.

https://www.youtube.com/watch?v=F4877Iwvs4o

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA