Maraykanka Oo Maraakiibta Dagaalka Soo Dhoobay Bariga Dhexe Iyo Iran Oo Ka Jawaabtay

Tehran, (HCTV) – Xiisada u dhaxaysa dalalka Maraykanka iyo Iran ayaa cirka isku shareertay kadib markii Isniintii dalka Maraykanku uu ku dhawaaqay in Maraakiibtiisa dagaalka ay u ruqaansadeen dhinaca bariga dhexe si ay fariin ugu diraan Jamhuuriyada Islaamiga ee dalka, dagaal dhinaca maskaxda ah.

Dhawaaqan ka soo yeedhay dalka Iran ayaa imanaya kadib markii maalintii Isniintii John Bolton oo ah a taliye dhinaca amaanka ah oo ka tirsan dawlada Maraykanku uu sheegay in Washington ay dirtay Markabka wax duqeeya ee the USS Abraham Lincoln, kaas oo xambaara diyaaradaha iyo banbooyinka, taasina ay tahay fariin cad oo biyo-kama-dhibcaan ah oo ku socota dawladda Iran iyo Xulafadeeda.

Hase yeeshee Afhayeen u hadlay Golaha Sare ee Amaanka Iran oo la yidhaa Keyvan Khosravi ayaa sheegay in hadalka ka soo yeedhay Bolton uu yahay mid wakhtigiisii dhaafay oo aan loo baahnayn oo ay u arkaan dagaal dhinaca maskaxda ah.

Waxaanu Khosravi uu u sheegay wakaalada wararka ee Tasnim in ciidamada Iran ay hubiyeen 21 maalmood ka hor in Markabkaasi uu soo galay badda Mediterranean-ka, waxaanu tu kulmaamay Bolton mid si macno daro ah u doonaya in dareenka iyo xiisada uu ku soo jeediyo naftiisa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA