Myanmar: Suxufiyiin Wakaalada Wararka Ee Reuters U Shaqaynayey Oo Xabsi Laga Sii Daayey

Myanmar, (HCTV) – Dawladda Dalka Myanmar ayaa sii daysay laba suxufi oo ka tirsan wakaalada wararka ee Reuters, kuwaas oo la xidhay kadib markii ay baadhid ku sameeyeen 10 qof oo Rohinga ah oo ay laayeen ciidamada Myanmar intii ay socotay dagaalka lagu xasuuqay Muslimiinta Rohingya ee dalka Myanmar.

Labadan suxufi ee Wa Lone iyo Kyaw Soe-Oo ayaa la xidhay kadib markii dawladda Myanmar ay sheegtay inay ku heshay faafinta warar aan dhab ahayn oo ay ka qoreen masuuliyiin dawlada ka tirsan, waxaanay labadan suxufi ay xabsiga ku jireen mudo ka badan 500 maalmood.

Suxufiyiintan ayaa kala ah Wa Lone oo 33 jir ah iyo Kyaw Soe-Oo, 29 jir ah, ayaa lagu xukumay todoba sanadood oo xabsi, waxaana xadhigoodu uu su’aal galiyey hore-u-socodkii hanaankii dimuqraadiyada ee dalka Myanmar, isagoo dalkaasi ku soo jeediyey kooxaha xuquuqal insaanka iyo diblomaasiyiin.

“Waxaan anigu ahay suxufi waxaanan doonayaa inaan sii wado,” sidaasi waxa yidhi Wa Lone oo la hadlayey suxufiyiin tiro badan oo ku sugnaa xabsiga hortiisa, waxaanu intaasi ku daray “Maba sii sugi karayo intaan ka tagayo qolkaygii wararka.”

Dawlada dalka Myanmar ayaa sheegtay in ay sii daysay 6,520 maxaabiis ah oo ay cafis u fidisay sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada dalkaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA