“Waxa Dhamaaday Beebkii Biyaha Geed-Deeble Illaa Hargeysa..” Maareeye Daarood

Hargeysa (HCTV) – Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Maxamed Cali Daarood ayaa sheegay in la dhameeyeen Beebabkii Cusbaa ee Biyaha Geed-deeble soo gaadhsiinayey Hargeysa, si biyo ballaadhinta loo sameeyo.

Maareeye Daarood oo Maanta Waraysi gaar ah siiyey Telefiishanka HCTV ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxa dhamaaday Beebkii Geed-deeble illaa Hargeysa oo 23 KM ahaa.”

Maareeyuhu wuxuu sheegay oo kale in lagu jiro isku-dubba ridka Ceelasha biyaha ee cusub si Nidaamka Biyo-qaybinta loogu xidho “Hawlaha meelaha dhexe maraya waxa ka mid ah soo ururinta Ceelasha biyaha ee inoo diyaarka ah oo Nidaamka cusub lagu soo xidho, 17 Ceel baa inoo diyaar ah, hadda 10 Ceel bay hawshoodu socotaa, 7-da kalena waa hawl fudud oo iyaguna way ka dambeeyaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray  oo uu ka jawaabay cabashooyin la xidiidha in wakaaladdu Lacago ku dalacdo Macaamiil aanay Biyaba u soo dhicin “Cabasho lama waayayo, laakiin mar walba annagu wixii aanu ka qaban karayno inaanu ka qabano ayaa waajib ah, ahmiyadduna waa in hore loo socdo. Macaamiisha Wakaaladda markayna biyuhu u soo dhicin way dhici kartaa in wax yar lagu soo dallaco, laakiin mar kasta qaybaha Wakaaladda u xil-saaran hawshaasi arrinkoodu waa in Macaamiisha duruuftooda la eego, isticmaalkoodana si sax ah loola socdo..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka