Yemen Oo Xidh-Xidhay Muhaajiriin Ka Badan 2,000 Qof

Yemen (HCTV) – Dawladda Yemen ayaa Xidh-xidhay in ka badan 2000 Qof oo Muhaajiriin Afrikaan ah, kuwaasi oo u badan Itoobiyaan, sida ay sheegtay Hay’adda Muhaajiriinta u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay inay aad uga wer-wersan tahay Xaaladda ay xilligan ku sugan yihiin Muhaajiriinta Afrikaanka ah ee Dawladda Yemen xidh-xidhay “Hay’adda IOM waxay aad uga wer-wersan tahay Xaaladda Muhaajiriinta (la xidh-xidhay), kuwaasi oo ay ka mid yihiin 400 Carruur ahi..” Sidaa waxa yidhi, Afhayeenka Hay’adda Qaramada Midoobay ee IOM, Mr. Stephane Dujarric.

Stephane Dujarric wuxuu intaa ku daray, in Qaramada Midoobay ay Maamulka Yemen kala hadlayso inay damaanad qaadaan Adeegyada ay u baahan yihiin Dadka Muhaajiriinta ah ee ay xidheen, sida Adeegyada Caafimaadka, Biyaha, Cuntada iyo Nadaafadda.

IOM waxay sheegtay in Xadhigga Dadkan Muhaajiriinta ahi uu Axaddii Toddobaadkan ka bilaabmay Koonfurta Dalka Yemen, halkaasi oo ay Maamusho Dawladda Caalamku aqoonsan yahay, Imaaraadka iyo Sucuudiguna badhi-taaraan.

Sannad kasta, Kumanaan Muhaajiriin ah ayaa gaadha Dalka Yemen, intooda badan waxay ka tagaan dhanka Geeska Afika, waxayna Yemen u adeegsadaan dariiq ay u sii maraan Dalalka Qaniga ah ee Khaliijka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka