Dab Ka Holcaya Koonfurta Sudan Oo Dad Tiro Badan Ku Dhinteen

Juba, (HCTV) – Ugu yaraan 33 qof ayaa ku dhintay kadib markii dab ka kacay afar tuulo oo ku yaala galbeedka gobolka Bahr el Ghazal region, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Madaxweynaha dalka Koonfurta sudan.

Sidoo kale tiro ka badan lixdan qof ayaa ku jira xaalad khatar ah kadib markii waxyeelo ka soo gaadhay dabkaasi, taas oo dabaylo jiraa ay dabkaasi sii balaadhiyeen, sida uu sheegay Ateny Wk Ateny.

“Dhaawacyada dadka soo gaadhay ayaa la dawaynayaa inkastoo aanay dawadu ku filayn goobaha fog ee miyiga ee shikaasi ka dhacay,” ayuu yidhi Ateny.

Salaasadii ayuu Mathok Wal, Lol oo ah Wasiirka Warfaafintu uu sheegay in dabkaasi ay ku gubteen 138 guri oo ka tirsan tuulada Korok bariga dalka, waxaanu dabkaasi laayey 10,000 xoolo ah.

Dalka Koonfurta Sudan ayaa waxa ka jiray dagaalo u dhexeeyey dawladda iyo kooxo maleeshiyooyin ah tan iyo bishii December ee sanadkii 2013-kii.

Waxaana aad iskaga tabar daran ciidamada ilaalada shacabka kuwaas oo heerkoodu hoosiiyo walow ay dawlada ka helaan miisaaniyad ugu jirta Miisaaniyada Qaranka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA