Ethiopia Oo Cashuurta Ka Dhaaftay Dadka La Soo Dagaya Qalabka Beeraha

HomeSomali News

Ethiopia Oo Cashuurta Ka Dhaaftay Dadka La Soo Dagaya Qalabka Beeraha

Baarlamaanka Ethiopia Oo Ansixiyey Xaaladda Degdega Ah Ee Dalkaasi Lagu Soo Rogay
Markab Turkigu Leeyahay Oo Budhcad Badeed Ku Afduubtay Galbeedka Afrika Oo Hal Qof Ku Dhintay
Policeka Dalka Hindiya Oo Xidhay Rag Lagu Tuhunsanaa Kufsi Iyo Dil
Mudane Raila Odinga Óo Casho Sharaf u Sameeyey Madaxweynaha Somaliland
“Gaadiidka Lagu Soo Qabto Khamri Waa Lala Wareegayaa” Taliyaha Bileyska G/Sanaag

Addis Abeba, (HCTV) – Wasaarada Maaliyada dalka Ethiopia (MoF) ayaa meel marisay cashuur la’ aan in lagula soo dago qalabka iyo mishiinada lagaga shaqeeyo beeraha.

Qalabkan lagaga shaqeeyo beeraha ee dawlada Ethiopia ay cashuurta ka dhaaftay ayaa waxa ka mid ah Qalabka Waraabka Beeraha, Qalabka Lagu Quudiyo Xoolaha Nool ee Technologiyada ah iyo dhamaan qalabyada kale ee loo adeegsado qaybahaasi in laga bilaabo maanta ay cashuur la’aan yihiin ayay sheegtay dawlada dalka Ethiopia.

Waxaana sidoo kale Hay’adda Beeraha ee dalka Ethiopia oo ay wadashaqayn leeyihiin Wasaarada Beeraha ay sheegtay in dedaaladani cashuurta lagaga dhaafay qalabka beeraha ay ka mid tahay isbadalka dhinaca cashuuraha ee la sameeyey oo ka mid ah isbadalka siyaasadeed ee dalkaasi ka socda.

Waxaanay intaasi ku dareen in isbadalkan cashuurta ujeedadiisu ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa dhinaca wax soo saarka dalka iyo beerashada, waxaana dhamaanba meesha laga saaray waajibaadkii cashuureed ee lagu soo rogay qalabka beeraha loo adeegsado haday tahay mishiinada wax lagu qodo, kuwa waraabka iyo kuwa kale ee quudinta xoolahaba loo adeegsado.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA

COMMENTS