Midawga Yurub Oo Diiday In Iran Ka Baxdo Heshiiska Nuclear-ka

Brussels, (HCTV) – Qaar ka mid ah dalalka Midawga Yurub ayaa sheegay in aanay aqbali doonin 60-ka maalmood ee dawladda Iran u qabatay heshiiskii dhinaca nuclear-ka inay gabi ahaanba ka baxayso kadib markii dawlada Tehran ay qayb ahaan ay joojisay heshiiskaasi 2015-kii ay wada gaadheen Iran iyo dhinacyadii reer galbeedka iyo Maraykanka.

War-saxaafadeed ay goor dhaweyd soo saareen Wasiirada Arimaha dibada ee dalalka Faransiiska, Ingiriiska iyo Germany ayaa sheegay inay dawladda Iran ku boorinayaan inay xushmayso heshiiskii dhinaca nuclearka.

Sidoo kale dalalkan Midawga Yurub ka tirsan ayaa walaac ka muujiyey cunaqabataymaha cusub ee dalka Maraykanku ku soo rogay dalka Iran.

Heshiiska dhinaca nuclear-ka ee sida wadajirka ah ay u galeen dalalka reer Galbeedka iyo dalka Iran oo loogu yeedho heshiiskaasi the Joint Comprehensive Plan of Action (JCPOA), ayuu qorshihiisu ku saabsanaa barnaamijka Nuclearka ee dalka Iran oo la joojiyo, lana dhaafsanayo cunaqabataymaha oo laga qaado.

Balse Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa markii uu talada dalkaasi Maraykanka uu qabtay waxa uu ka baxay heshiiskii dalkiisa iyo dalalka Reer Galbeedku ay la galeen dalka Iran waxaanu ku soo rogay dalka Iran cunaqabataymo hore leh.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA