“Nin Jecel & Nin Neceb-ba, 18 May Waa Taariikh Somaliland Leedahay..” Xil. Axmed Ducaale

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Anshax-marinta ee Golaha Wakiillada Somaliland, Md. Axmed Ducaale ayaa ka hadlay hadal uu Xildhibaan Dhakool oo ay isku Gole yihiin ku sheegay inaanu 18-ka May u aqoonsanayn Maalin Qaranka Somaliland wada leeyahay.

Xildhibaan Dhakool oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Xuska 18 May uu yahay mid u gaar ah beeshii u badnayd Jabhaddii SNM, balse Maalinta la wada leeyahay tahay Xuska 26-ka June.

Laakiin, Xildhibaan Axmed Ducaale oo hadalkaa ka dareen-celiyey ayaa yidhi “Xildhibaan Dhakool muddo dhowr iyo labaatan Sanadood ah ayuu Golaha ka tirsan yahay, Guddoomiyaha Golaha Wakiilladana waa isku ardaa, markaa anigu ma garanayo Sababta uu xilligan hadalkaa u soo qaatay, meeshana uma ekayn wakhtigan, waayo? Maalmaha Qarankuna way iska faro badan, Ummad kasta oo meel ku dhaqana Taariikh kastaba ha ku timaadee Maalin ay xusaan ayay leeyihiin, markaa Anigu maan garanin waxa Xildhibaanku isagoo Golihii fadhiya uu hadalkaa uga jeeday.”

Xildhibaan Axmed Ducaale oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in Taariikhdu ku xidhnayn hadba Qofku wuxuu jecel yahay “Nin jecel iyo nin Neceba, 18 May waa Taariikh Somaliland leedahay, Taariikhda Sayidku Taariikhbay ahayd, Nin neceb iyo Nin Jecel ba oo lama dafiri karo, siyaad Barre iyo Soomaaliya, Taariikh dhacday oo inna soo martay ayay ahayd, Nin neceb iyo Jecelba, markaa Taariikhdu kuma xidhna Anigaa jecel ama Anigaa aamisan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Guddi ahaan Anshax-marintoodu ku eg-tahay marka Xildhibaanku uu ka hor-yimaaddo wax Goluhu isla qaatay, balse aragtidiisa uu Golaha dibeddiisa ka sheegi karo “Annagu oo ah Guddiga Anshax-marinta, waxa Xidhibaankaasi ku hadlay kuma shaqo lihin.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka