Somaliland Oo Beenisay In Wajaale Laga Iibsaday Rasaas Lagu Qabtay Itoobiya

Gabiley (HCTV) – Dawladda Somaliland ayaa ka hadashay Rasaas tiro badan oo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya sheegay in lagu qabtay Degmada Wajaale, gaar ahaan Daanta Itoobiya.

Kornayl ka mid ah Ciidammada Amniga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa Telefiishanka Maamulka Soomaalida Itoobiya ka sheegay in Rasaas gaadhaysa 3000 Xabbo oo laga soo iibsaday Gudaha Somaliland lagu qabtay Degmada Wajaale, gaar ahaan Dhanka Itoobiya Maamusho.

Laakiin, Badhasaabka Gobolka Gabiley, Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indho-balac) oo Maanta Saxaafadda la hadlay ayaa beeniyey in Rasaasta laga iibsaday gudaha Somaliland, balse ay tahay been abuur laga dhex samaynayo Somaliland iyo Itoobiya.

Badhasaabka Gabiley oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “War ka baxay Tv-ga Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegay Rasaas lagu qabtay Daanta Shishe ee Wajaale ee ay Maamusho Itoobiya, Rasaastaas oo ahayd 3000 Xabbo, taasi oo ay ku soo bandhigeen Tv-ga. Waraysi uu halkaa ka bixiyey kornaylka ka hadlayey Jigjiga, Dadkii lagu soo qabtayna waxay sheegeen buu yidhi waxaanu ka soo iibsanay Wajaale, Daanta Somaliland..”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Somaliland mar walba ka shaqayso Ilaalinta Nabadgalyada xuduudka ay la wadaagto Itoobiya “Annagu waxaanu mar walba ka shaqaynaynaa sidii loo ilaalin lahaa Nabad-galyada xuduudka labada Waddan ee Somaliland iyo Itoobya. Markii Rabshaduhu ka socdeen Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, ee Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo hoggaanka kale ay wadeen hawlihii dib loogu soo celinayey Nabadgalyada deegaannada Soomaalida Itoobiya, Annagu qayb libaax ayaanu ka qaadanay haddaanu nahay Somaliland, annaga oo qabanay oo u celinay Lacag iyo Baabuur badan.” Ayuu yidhim waxaanu intaa ku daray in aanay Somaliland xaq loogu lahayn in lagu eedeeyo inay nabadgayo-darro ka abuurayso Deegaanka Soomaalida “Nama qabato in la yidhaahdo Somaliland baa laga soo iibiyey rasaastaa, waxay ahayd Dawladuhu xog bay wadaagaane in Ciddii laga soo iibiyey iyo Ciddii gacanta ku haysay la helo ayay ahayd, laakiin waa laga qurux badan yahay in Idaacadda uun laga sheego.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay inay aaminsan yihiin inaan Rasaastaasi ka imanin dhanka Somaliland “Annagu ma qabno in Somaliland ka timid Rasaastaasi, waxaanu qabnaa inay tahay been abuur laga samaynayo labada Waddan…”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka