Xiisada Iran & Maraykanka Oo Ka Sii Daraysa Iyo Trump Oo Cunaqabatayno Cusub Ku Soo Rogay

Tehran, (HCTV) – Dawladda Dalka Iran ayaa lixdan maalmood u qabtay dhinacyadii heshiisyada nuclear-ka kula jiray si loo joojiyo cunaqabaymaha Maraykanku uu ku soo rogay saliida iyo bangiyada dalka Iran.

Dawladda Maraykankuna waxa ay sidoo kale ku dhawaaqday cunaqabatayno cusub oo la saaro dalka Iran kadib markii mudo tobonaan sanadood ah ay xiisadi u dhaxaysay labada dal.

Madaxweyne Donald Trump ayaa soo saaray amarka uu cunaqabataymaha cusub uu ku saarayo birta, aluminium-ta, Copper-ta iyo iron-ta dalka Iran.

Dhinaca kale qaar ka mid ah dalalka Midawga Yurub ayaa sheegay in aanay aqbali doonin 60 maalmood ee dawladda Iran u qabatay heshiiskii dhinaca nuclear-ka inay gabi ahaanba kaga baxayso kadib markii dawlada Tehran ay qayb ahaan ay joojisay heshiiskaasi 2015-kii ay wada gaadheen Iran iyo dhinacyadii reer galbeedka iyo Maraykanka.

War-saxaafadeed ay goor dhaweyd soo saareen Wasiirada Arimaha dibada ee dalalka Faransiiska, Ingiriiska iyo Germany ayaa sheegay inay dawladda Iran ku boorinayaan inay xushmayso heshiiskii dhinaca nuclearka.

Sidoo kale dalalkan midawga Yurub ka tirsan ayaa walaac ka muujiyey cunaqabataymo cusub oo dalka Maraykanku ay ku soo rogeen dalka Maraykanka.

Heshiiska dhinaca nuclear-ka ee sida wadajirka ah ay u galeen dalalka reer Galbeedka iyo dalka Iran oo loogu yeedho heshiiskaasi the Joint Comprehensive Plan of Action (JCPOA), ayuu qorshihiisu ku saabsanaa barnaamijka Nuclearka ee dalka Iran oo la dhaafsanayo cunaqabataymaha oo laga qaado.

Horn Cable TV,

Waaxda Online-ka