Doon Ku Dagtay Badda Mediterranean-ka Oo Ay Ku Dhinteen 65 Qof

Tunisia, (HCTV) – Dad tiradooda lagu sheegay 65 qof ayaa dhintay kadib markii doon ay saarnaayeen oo ay ku tahriibayeen ay kula dagtay Badda Mediterranean-ka, markii ay ka ambabaxeen xeebta dalka Tunisia.

Doontan ayaa siday dad qaxoonti iyo muhaajiriin ah oo doonayey inay doon kaga safraan xeebta dalka Tunisia, waxaana ku dhintay  65 qof, sida ay xaqiijisay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR.

War-saxaafadeed ay soo saartay UNHCR jimcihii maanta ayaa sheegtay in 16 qof oo badbaaday laga soo saaray biyaha kadib markii doontii ay saarnaayeen quustay ama dagtay.

“Dhacdadan ayaa ah shilkii ugu xumaa ee Mediterranean-ka ka dhacay bishan”. Ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka ay soo saartay hay’adda UNHCR, waxaanay intaasi ku dartay in tani ay ka mid tahay masiibada iyo xaalada xun ee dad badan ay u wajahayaan khataraha ee sii socota iyagoo doonaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka.

Ilaa iyo hadda Afar mayd oo kaliya ayaa la helay waxaana socda hawlgalka lagu baadigoobayo intii kale, sida ay hay’adda IMO ay ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA