Ilaalada Kacaanka Iran Oo Qaadacay Wadahadal Ay La Yeeshaan Maraykanka

Tehran, (HCTV) – Ilaalada Kacaanka dalka Iran ayaa gaashaanka ku dhuftay wada-xaajood ay la yeeshaan dawladda dalka Maraykanka, waxaanay meesha ka saareen suurtogalnimada weerar dhaca, maalin ka dib markii Madaxweynaha dalka Maraykanku Donald Trump uu sheegay inuu ku boorinayo wadahadal, isagoo sheegay in aanu doonayn isku dhac military.

“Ma jiro doono wadahadal aanu la yeelano Maraykanka, Maraykankuna ma doonayaan talaabo milatari oo anaga lanagaga soo horjeedo,” ayuu yidhi Yadollah Javani,oo ah ku xigeenka madaxa Arimaha Siyaasada ee Ilaalada Kacaanka dalka Iran oo u waramayey wakaalada wararka ee Tasnim.

Todobaadkii u dambeeyey ayay ahayd markii dawlada dalka Maraykanku ay soo dhoobtay bariga dhexe maraakiibteeda dagaalka iyo diyaaradaha wax duqeeya, kuwaas oo ka soo ruqaansaday saldhiga milatari ee Maraykanku ku leeyahay dalka Qatar.

Waxaana ka mid ah Diyaarada wax duqaysa ee B-52 bombers iyo markabka xambaarada diyaarada ee USS Abraham Lincoln kaas oo ka soo qudbay gacanka dalka Masar ee Suez Canal.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA