Bangi Shiine Ah Oo Somalia Daymiyey $200 Million Si Uu Uga Kalluumaysto Xeebaha

Muqdisho, (HCTV) – Bangi Shiine ah iyo dawladda Somalia ayaa heshiis ku dhaagay $200million oo dollar oo dayn ah in Somalia la siiyo si loogu dhiso dekeda Muqdisho.

Ganacsiga caynkaas ah ayaa bangiga Shiinaha ah siinaya inuu si gaar ah uga kalluumaysto xeebaha Somalia, waxaanu sidoo kale uu qayb weyn ku yeelanayaa dekeda Muqdisho inta dayntaasi si dhamaystiran loo bixinayo.

Sida uu Bangiga Shiinaha ee ‘The Chinese Exim Bank’ uu ku dhawaaqay dhawaan markii uu soo dhigay Twitter-ka arinta heshiiskan ay la galeen Masuuliyiinta dawladda Somalia.

Xeebaha Somalia oo caan ku ah budhcad baddeeda afduuba maraakiibta caalamka ayaa sababtay in aan kalluumaysi farabadani ka dhicin xeebaha Somalia oo khayraadka kalluunku uu dihin yahay.

Arintana waxay badashay Xeebaha Somalia, oo qani ku ah khayraadka ku duugan, taas oo hada si aan xad lahayn loogu ogolaaday Shiinaha inuu kalluunka uga gurto Somalia.

Waxaana arintan lagu tilmaamay mid aan u fiicnayn khayraadka Somalia ku jira iyo dadkiisaba. Iska daa shaqo ay dadku helaane, balse arintani ay si dhakhso ah usoo gabogabaynayso Kalluunka ku jira Xeebaha Somalia maadaama oo Shiinuhu uu mudooyinkii u dambeeyey uu ku hawlanaa sidii uu iskaga muujin lahaa qaybaha Qaarada Afrika, isla markaana Suuqa kalluunka ee dalkiisu uu si xawili ah uu hoos ugu dhacayo.

Dhaqdhaqaaqyada kalluumaysiga Shiinuhu ayaa inta badan sababaa burbur xoog leh oo uu ku keeno xeebaha Afrikanka. Waxaana jirta in Hogaamiyeyaasha Africanka uu saamayn badan ku leeyahay Shiinuhu, waxaay ilaa hada sheegayaan in ay ka faa’iidaysan doonaan dadka guduhu mashaariicda Shiinaha oon waligood la mahadin, iyagoo ugu yeedha arintaasi ‘horumar’ ay ka heli doonaan shaqooyin badan. Balse xaqiiqdu waxay muujinaysaa in Shiinuhu yahay ka sababa macaluusha, dhimasho iyo burbur meelo badan oo Qaarada Africa ka tirsan iyo in tiro yar oo dad ahi ay ka faa’idaan mashaariicdiisa.

Hogaamiyeyaasha Africanku waxay wakhti xaadirkan si aayar aayar ah ay qaarada uga iibinayaan Shiinaha. Waxaana la fili karaa in kalluumaysi xad-dhaaf ah ay horseedi doonto macaluul farabadan oo soo food saarta dadka ku dhaqan Somalia ee Kalluumaysiga ku tiirsan. Waxaana Afrika caan ka ah odhaahda ah ‘Macaluusha uu noo keenay Shiinuhu. Hada waa horumar!’.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA