Sifooyinka Madaxweynaha & Madaxda Xisbiyadu Ku Sheegeen Marxuum Xaaji Cabdi-waraabe

Hargeysa (HCTV) – Allaah ha u naxariistee waxa Maanta gelinkii hore Tuulada Toon oo dhanka Koonfureed ka xigta Magaalada Hargeysa aas Qaran loogu sameeyay Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi-waraabe), kaasi oo Shalay Geeriyooday.

Marxuumka aya waxa Aaskiisa ka qayb-galay boqollaal Qof oo ka kala yimid Gobollada Somaliland iyo inta badan Dhulka Soomaalidu Degto, Waxgarad, Madax-dhaqameed, Culimo, Wasiirro, Safiirro iyo Dad kale oo badan.

Aaska oo si wanaagsan u dhacay ayaa markii uu soo dhamaaday waxa ka hadlay shakhsiyaddii Marxuumka, Tacsidana Shacabka u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biix Cabdi, Madaxda Axsaabta Somaliland iyo Dad kale oo caan ah, kuwaasi oo dhammaantood tilmaamay wanaaggii Xaaji Cabdi-waraabe ku caan baxay ee Samo-talisnimo.

Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi  oo ka hadlaya shakhsiyaddii Marxuumka ayaa yidhi “Xaaji Cabdi wuxuu ahaa Samo-wade, Murti dhaadhi ah, Dad wad leh, Ummadda isu jiida, intii uu noolaana Noloshiisa u huray Nabadayn, walaalnimo iyo Islaax ku dhamaystay, waxayna ka muuqataa aaskiisa..”

Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Mr. Khadar oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “Khayr oo dhan baa Xaajiga ku kulmay, hadday tahay Xidhiidhkii uu Bulshada la lahaa, hadday tahay Cibaadadiisii, dhaqankiisii iyo wanaaggiisii, Ilaahay ha u naxariisto.”

Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID, ayaa isaguna yidhi “Wuxuu ahaa Qaamuus ay Ummadda Afka Soomaaliga ku hadashaa ay leedahay..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka