CAYNABA: Laba Qof Oo Ku Dhaawacmay Roob Dabaylo Watay Iyo Xarumo Dawladeed Oo Dumay

Caynaba (HCTV) – Roob Dabaylo watay oo ka da’ay Degmada Caynaba ee Gobolka Saraar ayaa waxa ka dhashay khasaare.

Inta la ogyahay, Laba Qof baa ku dhaawacmay Roobka dabalaylaha watay ee ka da’ay Caynaba, waxaana ku burburay dhismayaal dhowr ah.

Dhismayaasha uu Roobku Roobku jingadda ka qaaday waxa ka mid ah Xarunta Dawladda Hoose ee Caynaba, halkaasi oo sidoo kale Xafiisyo ay ku lahaayeen Wasaaradaha Diinta Aw qaafta, Xisaabaadka Gobolka, Kastamka Caynaba, Hay’adda Barakacayaasha Qaranka iyo Xafiisyo kale oo Dawladeed.

Maayarka Degmada Caynaba iyo Xildhibaanno ka mid ah Golaha deegaanka Caynaba oo soo kormeeray Goobaha waxyeelladu soo gaadhay, ayaa ka warramay waxyaabaha ay Arkeen iyo khasaaruhu inta uu leeg’yahay “Roob weyn buu ahaa oo dabaylo wata, waa Ilaahay Mahaddii haddaan Maanta la lahayn Qofbaa Meyd ah, laakiin waxa jira Nin iyo Inan uu dhalay ah oo dhaawac ah, Inantii waxa loola Cararray Burco..” ayuu yidhi Maayarka Degmada Caynaba, waxaanu intaa ku daray  “Dhismayaasha Dawladda Hoose, guryo ay leeyihiin Dad kale oo Shacab ah, wax waxyeelo ah intaas ayaa jirta.”

Maamulka Dawladda Hoose ayaa codsaday laga taageero dib u dhiska Xaruntooda uu Roobku dumiyey, waxayna si gaar ah farriin ugu direen Wasaaradda Arrimaha gudaha.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka