Geed Lab Qaran: Maanso Baroor-diiq Ah

Waa maanso baroordiiqa oo Abwaan Maxamed Jaamac Xaashi (Boodhari) uu ka tiriyey Geeridii Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ku geeriyoodey Magaalada Hargeysa,  10-5-2019, kuna Beegnay 6-dii Ramadaan 1440 Hijriyada.

Maansaduna waxay ku bilaabantay sidan:-

Inkastuu guyaal jiro

Guud ahaanba nooluhu

Ma gafaayo mawdkuyoo

Geeridu xaq weeyee

Geesi qiimo badaniyo

Gardaadshihii nabbadiyo

Geed lab qaran baa

Galabtaba baxoo

Soomaali gabbigeed

Geestii ay joogtaba

Gudcurbaa u dumayoo

Gabal baa u dhacay baas.

Hibadiisa guudiyo

Galaduu rag dheeraa

Aan gaar u sheegee

Arintaba hadduu galo

Uu gorfeeyo xaajada

Milil guudka kama dhayee

Gunta nabarka hoosiyo

Gunaadku daweyn jirey.

Sama-doon garaadnimo

Guulaheen u dhaliyoo

Guurtinimo ku idishoo

Wada-jirka guudiyo

Midnimada gun iyo baar

In la gaadho jeceliyo

Guddonshuu ahaa Qaran.

 

Guullow allow

Baryadaan gamcaha

Gabi taagnayee

Halyeygaa galbadeed

Oofsatey galabta

Gurigii firdawiyo

Janadaadi geeyoo

Godkana u Nuur.

 

Guullow allow

Naxariista guudiyo

Raxmadaada gaarka

X.cabdi ku galadoo

Gurigii firdawiyo

Janadii ku geeyo

Godkana u nuur.

Markay talo guracantee

Geedka looga yeedhana

Garyaqaanka dhaqankiyo

Sama-wade go,an adag

Xaajada ku gooyiyo

Guurtibuu ahaa Qaran.

Intuu goob colaadeed

Gacaliyo sokeeyiyo

Ilmadeer gayaan ahi

Hubka isku gurteen

U guntadey xalkoodoo

Goor danboo habeenimo

Socod guuro dheeriyo

Safar uu u galayoo

U ka baajay godobtiyo

Inay is gumaadaan.

Intee guux siyaasiyoo

Muran ina galin laa

Intuu maalay garashada

Go,aan wacan ka qaatoo

Uu soo gunaanadey.

Xisbiyadu gar-waaqsade

Shacbiguna garawsade

Geed lab Qaran inuu yoo

Xalku gaadho lagu Dego.

 

Guullow allow

Baryadaan gacmaha

Gabi taagnayee

Halyeyga galbadeed

Oofsatey galabta

Gurigii firfawsiyo

Janadaadi geeyo

Godkana u Nuur.

 

Guullow allow

Naxariista guudiyo

Raxmadaada gaarka

X.cabdi ku galadoo

Gurigii Firdawsiyo

Janadii ku geeyoo

Godkana u nuur.

 

W/T: Maxamed Jaamac Xaashi (Boodhari)