Waa maanso baroordiiqa oo Abwaan Maxamed Jaamac Xaashi (Boodhari) uu ka tiriyey Geeridii Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ku geeriyoodey Magaalada Hargeysa, 10-5-2019, kuna Beegnay 6-dii Ramadaan 1440 Hijriyada.
Maansaduna waxay ku bilaabantay sidan:-
Inkastuu guyaal jiro
Guud ahaanba nooluhu
Ma gafaayo mawdkuyoo
Geeridu xaq weeyee
Geesi qiimo badaniyo
Gardaadshihii nabbadiyo
Geed lab qaran baa
Galabtaba baxoo
Soomaali gabbigeed
Geestii ay joogtaba
Gudcurbaa u dumayoo
Gabal baa u dhacay baas.
Hibadiisa guudiyo
Galaduu rag dheeraa
Aan gaar u sheegee
Arintaba hadduu galo
Uu gorfeeyo xaajada
Milil guudka kama dhayee
Gunta nabarka hoosiyo
Gunaadku daweyn jirey.
Sama-doon garaadnimo
Guulaheen u dhaliyoo
Guurtinimo ku idishoo
Wada-jirka guudiyo
Midnimada gun iyo baar
In la gaadho jeceliyo
Guddonshuu ahaa Qaran.
Guullow allow
Baryadaan gamcaha
Gabi taagnayee
Halyeygaa galbadeed
Oofsatey galabta
Gurigii firdawiyo
Janadaadi geeyoo
Godkana u Nuur.
Guullow allow
Naxariista guudiyo
Raxmadaada gaarka
X.cabdi ku galadoo
Gurigii firdawiyo
Janadii ku geeyo
Godkana u nuur.
Markay talo guracantee
Geedka looga yeedhana
Garyaqaanka dhaqankiyo
Sama-wade go,an adag
Xaajada ku gooyiyo
Guurtibuu ahaa Qaran.
Intuu goob colaadeed
Gacaliyo sokeeyiyo
Ilmadeer gayaan ahi
Hubka isku gurteen
U guntadey xalkoodoo
Goor danboo habeenimo
Socod guuro dheeriyo
Safar uu u galayoo
U ka baajay godobtiyo
Inay is gumaadaan.
Intee guux siyaasiyoo
Muran ina galin laa
Intuu maalay garashada
Go,aan wacan ka qaatoo
Uu soo gunaanadey.
Xisbiyadu gar-waaqsade
Shacbiguna garawsade
Geed lab Qaran inuu yoo
Xalku gaadho lagu Dego.
Guullow allow
Baryadaan gacmaha
Gabi taagnayee
Halyeyga galbadeed
Oofsatey galabta
Gurigii firfawsiyo
Janadaadi geeyo
Godkana u Nuur.
Guullow allow
Naxariista guudiyo
Raxmadaada gaarka
X.cabdi ku galadoo
Gurigii Firdawsiyo
Janadii ku geeyoo
Godkana u nuur.
W/T: Maxamed Jaamac Xaashi (Boodhari)