UK Oo Qabsoomidda Doorashooyinka Kala Hadlay Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhawayd Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dawladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Ben Fender oo Dalka booqasho shaqo ku yimid.

War-saxaafadeed Afhayeenka Madaxtooyadu uu ka soo saaray kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka Ingiriiska oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay HCTV.TV ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo maanta dalka ku yimid safar shaqo.

Kulankaa Waxa lagaga wada-hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen sidii looga wada shaqayn lahaa siyaasadda guud iyo amaanka mandaqadda Geeska oo ay Somaliland ku leedahay door muuqda oo caalamku ku ixtiraamo, diyaar garawga iyo qabsoomida arrimaha doorashooyinka wakiillada iyo golayaasha deegaanka, geediga dimuquraadiyada, dardar-gelinta iyo kor u qaadida kaalmooyinka horumarineed ee dawladda Ingiriisku ku taageerto Jamhuuriyadda Somaliland iyo xoojinta xidhiidhka labada dal.

Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo warbixin mug iyo miisaan leh ka siiyey horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo dawladda Somaliland oo ah mid ay horeba uga markhaati kaceen caalamku. Dhiniciisa waxa uu safiirku madaxweynaha ku bogaadiyey sida qiimaha leh ee uu u qaabilay iyo warbiximaha waafiga ah ee uu ka siiyey horumarka ay dal iyo dad ahaanba Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsadeen oo mudan in lagaga dayo..”

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.