“Ma Jiro Wax Noo Diidaya Inaanu Safiirro Gaar Ah La Kulano..” C/raxmaan Cirro

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Cirro oo Shalay dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safar uu ugu maqnaa Dalka Kenya ayaa ka hadlay Warar laga baahiyey inuu Dalka ka maqnaa.

Guddoomiye Cirro wuxuu beeniyey inuu Magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka Dalka Qatar u fadhiya Kenya, balse wuxuu xaqiijiyey inuu la kulmay Wufuud kale oo Safiirro ku jiraan.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Warbaahinta qaarkood waxay qoreen inaan Kenya kula kulmay danjiraha Dalka Qadar iyo Danjiraha Maraykanka, warkaasi ma jiro, laakiin Safiirka Qadar kama duwana kuwii aan la kulmay, wax noo diidanaya inaanu la kulano Safiirro gaar ahina ma jiro, Cidna nooma yeedhin karto Cidda aanu la kulmayno.”

Mudane Cirro waxa kale oo uu sheegay “Waxa weli socota ku xad-gudubka iyo Xadhigga Muwaadiniinta, waxa u dambeeyay Guddoomiyihii Garabka dhallinyarada ee Xisbiga WADDANI oo isna Rayi lagu xidhay, waxa la yidhi Dawladdu waa lana caayey, haddii ay Cid Cay lagu xidhayo waxay ahad in Maxamed Muuse Diiriye la soo xidho..” ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka