Millateriga Suudaan Oo 3 Sano Oo Ku Meel-gaadh Ah Dalka Hoggaamin Doona

Khartoum (HCTV) – Milletariga Dalka Suudaan ee Awoodda dalkaasi Bishii hore kala wareegay Madaxweynihii Muddada dheer xukunka dalkaasi hayey Cumar Xasan Al-bashiir, ayaa Kooxaha Mucaaradka ah ee Mudahaaraddada dalkaasi ka waday la gaadhay Heshiis ah inay saddex sannadood xukunka hayaan, markaa ka dibna Talada ku wareejiyaan Rayidka.

Hoggaamiyeyaasha Dibed-baxayaasha Suudaan iyo Milletariga ayaa isku afgartay in Milletarigu uu muddo saddex sannadood ah xukunka si ku meel-gaadh ah u hayo, wixii intaa ka dambeeyana uu Rayidka ku wareejiyo.

Sidaa waxa ku dhawaaqay Yasser al-Atta oo ah Taliyaha Ciidammada dalkaasi ee xukunka Suudaan Gacanta ku haya, Xilli hore oo Arbacada Saaka ah.

Atta ayaa Weriyeyaasha u sheegay inay isbahaysiyada Xorriyadda iyo Isbeddelka ee Dibed-baxyada ka waday Dalka Suudaan inay ku heshiiyeen “Waxaanu isku raacnay saddex sanadood oo ku meel-gaadh ah..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in heshiiskan lagu saxeexi doono muddo 24 saacadood gudahood ah, heshiiskaana waxay qayb ka ah in Mucaaradku uu hoggaaminta dalka ay awood badan ku yeeshaan Isbahaysiga Xorriyadda iyo Isbeddelka dalka Suudaan, waxaana Xubnaha Baarlamaanka ay ku yeelan doonaan 67%, sida uu sheegay Ata.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka