Wufuud Ka Socda Uganda, Kenya Iyo Djibouti Oo Somaliland Kaga Qaybgalka Xuska 18 May

Hargeysa, (HCTV) – Wefti culus oo ka socday Baarlamaanka dalka Uganda ayaa soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa, kuwaas oo hawlo xaqiiqo raadin ah u yimid dalkan aan beesha caalamka ka helin aqoonsi caalami ah oo maalinta Barito ah u dabaal degaya 28 guurada ka soo wareegtay maalinta madaxbanaanidooda oo ku beegan 18-ka May oo bari ah.

Weftigan ayaa qayb ka ah dalal badan oo Afrikan ah oo Somaliland u yimid ka qaybgalka munaasibada 18-ka May oo ah ku dhawaad sodon sanadood oo ay ku dhawaaqeen inay ka madaxbanaan yihiin Somalia inteeda kale kadib markii dagaal qadhaadh oo dhacay 1991-kii ciidamadii Somalia ay ku laayeen 500,000 Somaliland u dhashay.

Weftigan ka socda dalka Uganda ee socdaalka ku yimid Somaliland ayaa waxa hogaaminaya Gudoomiyaha guddida arimaha dibada ee Baarlamaanka dalka Uganda Hood Katuramu, waxaana kooxdan ka socota Kampala ay sheegeen in la joogo xiligii Uganda iyo Midawga Afrika ay Somaliland u aqoonsan lahaayeen dal madaxbanaan.

Waxaanu tilmaamay Mr Katuramu in weftigan Uganda ka yimid ay la kulmeen xildhibaano Baarlamaanka Somaliland ka tirsan oo ay kula xulmeen xarunta baarlamaanka ee Hargeysa.

Weftiga Uganda ee Hargeysa soo gaadhay ayaa waxa ka mid ah Hood Katuramu, Violet Akurut Adome, Arinda Gordon Kakuuma, Komakech Lyandro, Sebaggala Abdulatif Iyo Mutekanga Jacqueline.

Dhinaca kale wefti balaadhan ayaa ka yimid dalka Kenya, waxaana weftiga Kenya Hogaaminaysa Xildhibaan Ms Safia Abdi Nur iyo shan xubnood oo kale oo ka soo socdaalay dalka Kenya.

Waxaanay Kenya ka mid noqotay dalalka Ethiopia iyo Djibouti ee xafiisyada diblomaasiyadeed ku leh Somaliland kadib markii Agaasimaha Wasaarada Arimaha Dibada ee Mr Philip Mundia Githiora uu sameeyey xafiiskaasi kadib markii ay wada hadalo yeesheen Monica Juma iyo Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cumar.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA