Dawlada Ethiopia Oo Bilawday Inay Tashiilayso Laydhka Ay Guryaha Iyo Warshadaha Siiso

Addis Ababa, (HCTV) – Dawladda Ethiopia ayaa bilaabaysa qorshe ay ku yaraynayso xadiga Laydhka ama Korontada ee ay helayaan guryaha iyo warshadaha macmuusha u ah kadib markii ay yaraadeen heerka biyaha ee Dhaamka dabka laga dhilayaa oo hoos u dhac ku yimid.

Wasiirka Dawladda Ethiopia u qaabilsan Biyaha iyo Laydhka Seleshi Bekele ayaa heeshay in heerka dhibcaha biyaha ee Dhaamka 3aad ee  Gibe ay ku yimaadeen hoos u dhac 476 megawatts (MW), kaas oo markii hore ahaa ka sadexaad ee soo saara Laydhka u badan oo gaadhayey 1,400 MW.

Sidoo kale Ethiopia yaa joojisay laydhkii ay u dhoofin jirtay dalalka ay jaarka yihiin ee Djibouti and Sudan, kuwaas oo dalka Ethiopia uu ka faa’iidi jiray $180m sanadkii, sida uu sheegay Wasiirku.

Barnaamijkan lagu tashiilayo Laydhka ay bixiso Ethiopia ayaa socon doona ilaa July, waxaana macaamiisha guduhu ay la kulmi doonaan in la bakhtiiyo laydhka oo aan loo shidin dhawr saacadood maalintii, waxaana shirkadaha sibidhka iyo birtu ay shaqayn doonaan xili madaama oo la jari doono laydhka xiliyo ka mid ah xiliyadii ay shaqayn jireen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA