Saylici Oo Ka Hadlay Askari Boolis Ahaa Oo Lagu Dilay Laascaanood

Boorama (HCTV) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay Dilka labadii Sarkaal ee ka mid ahaa Ciidammada Asluubta iyo Booliska ee dhawaan lagu dilay Gobolka Sanaag iyo Sarkaal kale oo habeen hore lagu dilay Magaalada Laascaanood, kaasi oo Booliska ka mid ahaa.

Madaxweyne ku-xigeenka oo khudbad u jeediyey Kumanaan Shacabka reer Awdal ah oo Magaalada Boorama kaga qayb-galay xuska 28 Guurada Madax-banaanida Somaliland, ayaa sheegay in Saraakiishu aanay Cid gaar ah ka dhimanin ee ay Somaliland ka wada baxeen, Dawladduna ku daba jirto Ciddii dilkooda ka dambaysay, waxaanu yidhi “Saraakiishii dhimatay ee uu u dambeeyay kii lagu dilay Laascaanood Tacsi baan u dirayaa, waxayna ka dhinteen Qaranka Somaliland ee qolo gaar ah kama dhimanin, Qaranka Somaliland-baana ku daba jooga sidii uu u soo qaban lahaa Ciddii dhibtaa geysatay oo sharciga loo horkeeni lahaa.”

Saylici wuxuu ka hadlay Ahmiyadda ay Somaliland u leedahay 18-ka May “18-ka May waa Maalin Qiimo gaar ah leh oo aynu Somaliland dheer nahay, waayo? Waxaynu ku dhisnay Qaran, nafo ayaynu ku badbaadinay, markaa dhallinyarada Somaliland ee ku hodmay Somaliland ee wax ku bartay ha u duceeyaan odayaasha Aabayaashood iyo awoowyaashood ahaa ee go’aankaa qaatay.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray dhallinyarada reer Awdal “Reer Awdal, dhallinyaradaay Maskaxda yaan la idinka xumaynin, bani-aadamka Tabasho iyo Cabasho way jiri, wax dhiman way jiri, laakiin way toosisanaynaa, reer Awdal iyagaa Somaliland leh, Heesta Calanka iyo Astaanta Qarankaba reer Awdal baa ku suntan…”

Habeenkii Jimcaha ayaa israsaasayn dhex martay Ciidammada Boolis ah oo ku sugan Magaalada Laascaanood, waxa ku dhintay Hal Askari oo ka mid ahaa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka