Somaliland Oo Laga Xusay 28 Guurada Xilligii Ay Madax-banaanideeda Kala Soo Noqotay Soomaaliya

Hargeysa (HCTV) – Guud ahaan Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, ayaa saaka looga dabbaal-degay 28 Guurada ka soo wareegtay markii Somaliland ay xornimadeeda dib ugala soo noqotay Dalka Soomaaliya, taasi oo sannad kasta hal mar la xuso 18-ka bisha May.

Dadweynaha ku dhaqan Magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ku lebisan Calanka saddexda Midab ah ayaa subaxdii hore ee saaka u dareeray Fagaareyaal waaweyn oo loo diyaariyey in lagu qabto Xuska 18-ka May, halkaana waxa Dadweynuhu markii ay isugu tageen ay Daawadeen Ciidammada Qalabka sida oo Gaardis ku soo bandhigay Fagaareyaasha Magaalooyinka Dalka, waxaana halkaasi khudbado uga jeediyey  Madaxda Gobollada iyo Masuuliyiin ka socday Dawlada dhexe oo kala qayb-galay xuska 18-ka May.

Hargeysa.

Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo ah xudunta Dabbaal-degga Xuska 18-ka May ayaa si aad wanaagsan looga dabbaal-degay.

Fagaare cusub oo laga dhisay Ka soo horjeedka Cisbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa waxa isugu yimid Madaxda Somaliland ugu sarraysa oo uu ka mid yahay Madaxweyne Muuse Biixi, waxaana sidaa si la mid u soo buux dhaafiyey kumanaan Shacabka Caasimadda ku dhaqan ah, kuwaasi oo badankoodu ku lebisnaa calanka Somaliland.

Madaxweynaha ayaa halkaa sallaan kaga qaatay kumanaan ka mid ah Ciidammada Qalabka sida ee Somaliland oo Gaardis halkaa ku soo maray.

Madaxweynaha Somaliland oo khudbad dheer halkaa ka jeediyey ayaa Shacabka ku hambalyeeyay Xuska 18-ka May, waxaanu soo dhaweeyay Wufuudda ka socotay dalalka Kenya, Uganda, Jabuuti. Itoobiya iyo Weftiga ka socda Dalalka Khaliijka oo Munaasibadda ka qayb-galay.

Madaxweynuhu wuxuu khudbaddiisa ku soo hadal-qaaday siyaasadda arrimaha dibedda, waxaanu si gaar ah uga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland, waxaanu sheegay in Adduunku qiray in la gaadhay xilligii Somaliland iyo Soomaaliya kala guran lahaayeen “Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxa muuqata in Caalamka Badankiisu gar-waaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Soomaaliya iyo Somaliland.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Laf kala bogsatay la iskuma kabo, danta Somaliland, Afrika iyo Geesku waxay ku jirtaa in labadaa dal noqdaan laba dal oo xor ah oo Walaalo ah..” 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka