“Madaxweyne, Wax Weyn Oo Aynu Kala Fognahay Ma Jiraan..” WADDANI

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa soo jeediyey in inta bisha Ramadaan lagu jiro ay Xukuumadda iyo Xisbiyadu joojiyaan eedaha ay Warbaahinta isku mariyaan.

Xildhibaanka oo hadal ka jeediyey Munaasibad Casho Sharaf ahayd oo Madaxweynuhu Xalay Madaxtooyada ugu sameeyay Xisbiyada iyo Hal-doorkii ka qayb-galay xuskii 18-kii May, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Bishan Ramadaan waxa inoo bilaabmay Mucaaradka iyo Xukuumadda inyar oo Deelleey ah oo la iswaydaarsaday inyar eedo ah iyo hadallo ah, Ramadaanta intii khayrka badnayd ayaa la gaadhay ee aynu halkaa ku joojino, Maxamed Kaahina Annaga ayaa ka ballan-qaadayna in aanay Cidna soo hadal qaadin.”

Guddoomiyaha Ku meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, waxa kale oo uu sheegay in Khilaafka ku saabsan doorashooyinka ee xisbiyadu isku hayaan aanu ahayn wax weyn, balse laga heshiin karo “Madaxweyne, Arrimaha doorashooyinka wax weyn oo aynu kala fognahay ma jiraan ee Dadka yaanu shaki gelin, waxa aanu isku khilaafsanahay waa wax yar oo Farsamo, iyadana haddii dhinac walba niyad-wanaag ka yimaaddo way dhammaan doontaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu sheegay in Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ay Maalinta berri ah ay Safar ugu baxayaan Magaalada Nairobi, si ay Beesha Caalamka ugala soo hadlaan arrimaha doorashooyinka, waxaanu codsaday inaan Xisbigooda WADDANI laga dacwaynin Adduunka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka